Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya ayaa saaka warsaxaafadeed ka soo saartay dagaalka culus ee gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaanka Jameeco ee Gobolka Baay.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dagaalkan uu ka dambeeyay weerar culus oo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku qaadeen fariisimo ay maleeshiyada Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi oo hoostaga Degmada Buurhakaba, iyadoona wasaaraddu ay meesha ka saartay in dagaalku uu ka dhashay Shabaabka oo jidka u galay kolonyadii ay la socdeen ciidamada.
Warsaxaafadeedka ayaa u qornaa;-
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku guda jira gulufka howlgalka Banooda ayaa 26-kii Oktoobar weerar culus oo saacado badan qaatay ku qaaday deegaanka Jameeca ee hoostaga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay, halkaas oo fariisimo ay ku lahaayeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab.
Dagaalka oo dhowr goobood ka dhacay ayay geesiyaasha qaranku jab xooggan ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab, iyadoo la dilay ku dhowaad 75 maleeshiyaad ah, halka 56 kale lagu dhaawacay maleeshiyaadka tirsan Khawaarijta.
Intii uu dagaalku socday, maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab ayaa gaadiid ay ka buuxiyeen walxaha qarxa ku weeraray gaadiidka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana weerarkaasi ka dhashay waxyeello soo gaartay gaadiidka ciidanka qaarkii.
Ciidamada geesiyada XDS ayaa sii wadi doona howlgalkaas Banooda, mana hakin doonaan Khawaarijta iyo cid kasta oo garab iyo gabbaad siisa.
Howlgalkan ayaa qayb ka ah gulufka joogtada ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wiiqayaan awoodda maleeshiyaadka Khawaarijta Al Shabaab, kuna burburinayaan fariisimahooda iyo isku-day kasta oo ay ku doonayaan inay dib isugu abaabulaan.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay bogaadinayaan geesinimada iyo naf-hurnimada ciidanka, waxayna adkaynayaan in howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab ay sii socon doonaan, si loo ciribtiro khatarta argagixisada, loona xaqiijiyo amniga, nabadda iyo xasilloonida guud ahaan dalka.