Home Wararka Maanta Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay Golihiisa Wasiirada (SAWIRRO)

Aadan Madoobe oo Baydhabo kula kulmay Golihiisa Wasiirada (SAWIRRO)

by Laacib

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo ka qabsoomay Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo 5-tii bishan howlo shaqo u tegay Caasimadda Muqdisho ayaa Sabtidii dib ugu laabtay Xarunta KMG Koonfur Galbeed ee Baydhabo, iyadoo shirkan uu noqonaya kiisii ugu horreyay ee uu shir guddoomiyo muddo saddex toddobaad ah.

Shirka Talaadadan ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray adkaynta amniga, xoojinta taageerada hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab iyo dadaalada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed.

“Shirka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada dowladda ee Ciidamada Qalabka Sida ee ku howlan hawlgalada ka dhanka ah Khawaarijta, kuwaas oo u taagan difaaca shacabka, ilaalinta amniga iyo xaqiijinta nabadda guud.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Warka ayaa lagu sheegay in Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed uu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo hawlgalada socda, lana xoojiyo wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee maamulka, si loo xaqiijiyo guul dhameystiran oo laga gaaro dagaalka lagu la jiro Al Shabaab.

“Golaha Wasiirada ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo dadaalada lagu sugayo amniga, laguna taageerayo ciidamada hawlgalada ku jira, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta shacabka iyo hantidooda.” Ayaa lagu yiri warka.

Warbaahinta ayaa fahamsan in Maamulka Aadan Madoobe uu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo caqabado dhanka amniga oo uga imanaya Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), oo sida la xaqiijiyay ciidamada taabacsan ay gacan ka helayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Laftagareen ayaa doonaya inuu dib u soo ceshado xukunka iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isaga oo aan aqoonsaneyn madaxtinimada Aadan Madoobe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc