Wararka ka imanaya Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in duqayn diyaaradeed ay maanta ka dhacday degmadaasi, iyadoo la beegsanayo gaadiidkii dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka looga qabsaday dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Jameeco.
Wararka ayaa sheegaya in la bartilmaameedsaday goob ku taala afaafka hore ee Buurhakaba, oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku soo bandhigayeen dhowr xabo oo gaadiidka dagaalka ah.
Abaanduulaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, G/dhexe Faysal Cabdullaahi Cali (Beene) ayaa xaqiijiyay in gaadiid kalena lagu burburiyay jidka laamiga ee isku xira Buurhakaba iyo Jameeco.
Tani ayaa waxay u muuqataa tallaabo looga hortagayo in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay adeegsadaan gaadiidkaasi, oo ay ku jiraan kuwa nooca gaashaaman.
Dhanka kale xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa waddada xiriirisa Degmooyinka Buurhakaba iyo Wanlaweyn ee Gobolada Baay iyo Shabellaha Hoose, iyadoo labada degmo ay ku yaallaan xadka goboladaasi.
Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa goor sii horreysay oo maanta ah sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan Hawlgalka Banooda ee lagu qabanayo Buurhakaba.