Home Wararka Maanta Shariif Sheekh Axmed oo ku baaqay in la baaro khasaaraha soo noqnoqday ee ciidamada

Shariif Sheekh Axmed oo ku baaqay in la baaro khasaaraha soo noqnoqday ee ciidamada

by Laacib

Madaxweynihii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay askarta ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ee ku dhintay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynihii hore ee dalka oo daba jooga khasaaraha ciidamada ka soo gaaray dagaalka Isniintii ka dhacay agagaarka deegaanka Jameeco oo hoostaga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay ayaa dhanka kale ku baaqay in baaritaan madaxbannaan lagu sameeyo khasaaraha soo noqnoqday ee ciidamada.

Waxa uu sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka ay yihiin, waxa ugu qaalisan ee qaranka uu leeyahay, ayna mudan yihiin tixgelinta ugu sarreysa, isla-markaana aan loo adeegsan karin ujeeddooyin siyaasadeed.

“Ciidanka Xoogga Dalku, waa hantida ugu qaalisan ee qaranku leeyahay. Nafta askariga Soomaaliyeed ma noqon karto mid lagu khamaaro ama lagu fushado damacyo siyaasadeed iyo dano shakhsiyadeed.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo warkan ku sheegay warsaxaafadeed uu caawa fiidkii soo saaray.

“Waxaa nasiib darro ah in khasaaraha baaxaaddaas leh ee soo noqnoqday ee ciidanka soo gaaray uu marar badan dhaliyo su’aalo ku saabsan tayada qorsheynta, xogta sirdoonka, diyaargarowga hawlgalada iyo madaxbannaanida Taliska Ciidanka.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay “Waxaa arrimahaas eeddeeda iska leh Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guuldareystay tixgelinta talooyinka taliyeyaasha khibradda dheeraadka ah u leh howlaha dagaal gelinta iyo dabeecadaha dhulka, wuxuuna Madaxweynaha muddo dhaafka ah uu ku xadgudbay daryeelka ciidanka iyo darajo-siintooda, taas oo saamayn ku yeelatay mooralka ciidanka.”

Shariif Sheekh Axmed ayaa soo jeediyay oo ku baaqay “In baaritaan madaxbannaan oo hufan lagu sameeyo sababihii keenay khasaaraha soo noqnoqday ee ciidanka, lana caddeeyo cid kasta oo ku lug yeelata dayac ama amarro aan waafaqsaneyn talada xirfadeed ee ciidanka.

In la xaqiijiyo madaxbannaanida Taliska Ciidanka, lagana ilaaliyo fara-gelinta siyaasadeed ee dhaawacday kalsoonida, qorsheynta hawlgalada dagaalka iyo badbaadada askarta.

In la sameeyo qorshe qaran oo lagu daryeelayo dhaawacyada ciidanka, laguna taageerayo waalidiinta, agoonta iyo qoysaska ay ka baxeen geesiyaasha ku dhintay difaaca qaranka, xuquuqdoodana loo soo celiyo kuwii horey looga goostay.”

Shariifka ayaa warsaxaafadeedkiisa ku soo gunaanaday “Ugu dambayn marnaba lama aqbali karo in nafta dhallinyarada ciidanka ee qaranka u adeegeysa lagu baabi’iyo hirgelinta damac siyaasadeed oo shakhsi ah, iyadoo aan loo aabayeeleynin badbaadadooda, mustaqbalkooda iyo xuquuqda qoysaskooda.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc