Golaha Wasiirada Somaliya ayaa ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka soo socda ee 2027, ka dib kulan ay maanta ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Kulankan oo uu shir guddoominayay Raysal Wasaare Kuxigeenka 1aad ee Xukuumadda, Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyay Xeerka Qoondada ee Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee sanadka 2027.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo diyaarisay ku talagalka miisaaniyadda ee sanadka ina soo aaddan, taas oo ka badan 1.2 bilyan oo lacagta Mareykanka.
“Kulanka oo uu shir guddoomiyay Kusimaha Raysal Wasaaraha, ahna Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasi oo gaartay 1,259,238,253 (Hal Bilyan, Laba Boqol, Konton iyo Sagaal Milyan, Laba Boqol, Soddon Siddeed Kun, Laba Boqol , Konton iyo Saddex Dollar).” Ayaa lagu yiri war qoraal ah oo lagu daabacay bogga xukuumadda.
Miisaaniyadda dowladda ee sanadlaha ah waa qorshe maaliyadeed oo dowladuhu ay ku sii saadaaliyaan dakhliga soo geli doona iyo kharashka ka bixi doona muddo 12 bilood ah, waana barnaamij howleed lagu hago dhaqaalaha dalka.