Home Wararka Maanta Taliyaha Militariga oo booqday askartii ku dhaawacantay Jameeco

Taliyaha Militariga oo booqday askartii ku dhaawacantay Jameeco

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta Isbitaalka Xoogga ee Magaalada Muqdisho ku booqday qaar ka mid ah ciidamadii ku dhaawacmay dagaalka Isniintii ka dhacay agagaarka deegaanka Jameeco oo hoostaga Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu mid mid askartaasi uga wareystay xaaladdooda caafimaad, isla-markaana uu u muujiyay garab istaag.

“Taliyaha ayaa askarta dhaawacantay mid mid uga wareystay xaaladdooda caafimaad, isagoo u muujiyay garab istaag iyo dhiirigelin. Sidoo kale, wuxuu warbixin ka dhegeystay saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay xaaladaha caafimaad ee askarta iyo dadaalada lagu bixinayo daryeelkooda.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska Militariga.

Warka ayaa lagu sheegay “Taliyaha ayaa bogaadiyay geesinimada, naf-hurnimada iyo waddaniyadda ay muujiyeen halyeeyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo naftooda u huraya difaaca dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.”

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la sheegay inay jug ka soo gaartay dagaalka ay maleeshiyada Al Shabaab kula galeen tuulada Qardho oo hoostagta deegaanka Jameeco.

Ciidamada ayaa weerar gaadmo ah kala kulmay maleeshiyada, iyagoo ku socdaalaya waddada xiriirisa Degmooyinka Wanlaweyn iyo Buurhakaba ee Gobolada Shabellaha Hoose iyo Baay.

Askarta ku dhimatay iyo kuwa kale ee ku dhaawacmay dagaalkaasi ayaa la keenay Muqdisho.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc