Home Wararka Maanta Militariga Uganda oo sheegay inay bilaabeen in ay ciidamada kala baxaan Somaliya

Militariga Uganda oo sheegay inay bilaabeen in ay ciidamada kala baxaan Somaliya

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda (UPDF), General Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in dalkiisu uu bilaabay in uu ciidamada kala baxo Somaliya, ka dib 20 sano oo naf-hurnimo ah.

Qoraal uu caawa ku baahiyay bartiisa X (Twitter) ayuu ku sheegay in amniga dalka ay ku wareejinayaan Ciidamada Somaliya.

“Waxaan ammaanka ku wareejinaynaa walaalaheenna Soomaaliyeed.” Ayuu yiri General Muhoozi Kainerugaba.

Militariga Uganda ayaa muddo dheer qayb ka ahaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya, oo Dowladda Federaalka lagaga taageero howlaha sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Uganda ayaa ahayd dalkii ugu horreyay Afrika ee ciidamo ugu yabooha Hawlgalkii Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoona ciidamadeeda ay bishii March ee sanadkii 2007 ka soo deggeen Magaalada Muqdisho.

Hawlgalka AMISOM ayaa 1-dii bishii April ee sanadkii 2022 lagu bedelay magaca ATMIS, kaas oo waqtigiisu uu dhamaaday 31-kii bishii December ee sanadkii 2024, isla-markaana 1-dii bishii January ee sanadkii 2025 lagu bedelay hawlgalka kale ee lagu magacaabo AUSSOM.

Uganda waa dalka ay ciidamada ugu badan ka joogaan Somaliya, marka la barbardhigo dalalka kale ee xubnaha ka ah hawlgalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc