Home Wararka Maanta Wasiir Fartaag oo booqday Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar u jooga Ruushka

Wasiir Fartaag oo booqday Saraakiil Soomaaliyeed oo tababar u jooga Ruushka

by Laacib

Wasiirka Amniga Somaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa maanta booqasho ugu tegay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo tababar ku qaadanaya dalkaasi Ruushka.

War caawa ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Amniga ayaa lagu sheegay in saraakiishaasi ay qaadanayaan tababarro la xiriira amniga internet-ka, baarista dembiyada, ka hortagga fekerka xagjirnimada iyo maamulka iyo maareynta.

“Saraakiisha ayaa qaadanaya tababarro la xiriira amniga internet-ka (Cybersecurity), baarista dembiyada, ka hortagga fekerka xagjirka ah iyo maamulka iyo maareynta.” Ayaa lagu yiri warka.

“Tababarradan ayaa loogu talagalay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha Saraakiisha Booliska Soomaaliyeed, si ay si xirfadeysan uga jawaabaan caqabadaha amni ee casriga ah, una horumariyaan hababka baarista dembiyada, ka hortagga khataraha internet-ka iyo la tacaalidda falalka xagjirka ah.” Ayaa lagu yiri warka oo intaasi ku daray “Kormeerka Wasiirka ayaa qayb ka ah dadaalada Wasaaradda Amniga Gudaha XFS ee lagu horumarinayo aqoonta iyo kartida Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, laguna xoojinayo iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada tababarka iyo horumarinta hay’adaha amniga.”

Warka ayaan lagu sheegin goobta ama magaalada uu tababarka uga socdo Saraakiisha Booliska.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc