Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta qaabilay Taliyaha Taliska Istiraatiijiyadeed ee Wadajirka Caalamiga ah ee Taliska Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Turkiga, General Sebahattin KILINÇ oo booqasho ku yimid Caasimadda Muqdisho.
“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee dhinacyada difaaca iyo amniga, horumarinta wada-shaqaynta militari, xaaladda amni ee Gobolka Geeska Afrika, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo fara-gelinta shisheeye ee taageerta kooxaha argagixisada ah.” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Gaasaandhiga.
Warka ayaa lagu sheegay “Wasiirka ayaa bogaadiyay taageerada walaalaha Turkiga ay Soomaaliya ka siiyaan dadaalada la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.”
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in kulanka oo uu ka qaybgalay Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee duleedka Muqdisho, General Sebahattin Kalkan in si gaar ah looga hadlay, sidii Turkiga uu u buuxin lahaa doorka Mareykanka ee Dugsiga Tababarka Ciidamada ee Gaashaanle Xasan Tuure (Ex Ballidoogle) ee Gobolka Shabellaha Hoose, maadaama ay suurtagal tahay in Mareykanka uu banneeyo saldhiggaasi.
Saraakiisha Somaliya iyo Turkiga ayaa maalmihii u dambeeyay ka wada-shaqeynayay, sidii xarun laga hoggaamiyo hawlgalada hawada looga hirgelin lahaa Xerada Ballidoogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa kuu sheegaya in Turkiga uu gacan ka gaysanayo horumarinta xerada, si ay u noqoto xarun casri ah oo laga taageero gurmadka cirka iyo duqaymaha lagu taageero ciidamada dhulka ee hawlgalada ku jira.
Qorshahan ayaa imanaya, xilli la sheegay inay si weyn hoos ugu dhacday taageeradii cirka ee Mareykanka uu kaga qayb qaadanayay hawlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
