Home Wararka Maanta Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex maray aagga Leego

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex maray aagga Leego

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyada Al Shabaab uu maanta dagaal culus ku dhex maray duleedka deegaanka Leego, ka dib markii maleeshiyadu ay waddada u gashay kolonyo ay la socdeen ciidamada.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Danab oo ku wajahnaa dhul hawd ah oo ku yaala duleedka Leego uu weerarku ku qabsaday tuulada Iidow Jalaat (Jalaad), isla-markaana uu halkaasi labada dhinac ku dhex maray dagaal fool ka fool ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidanka Danab ay gurmad ka heleen ciidamo isugu jira Gorgor iyo Guutada 7aad, Qaybta 12-ka April ee Ciidanka Xoogga Dalka, isla-markaana ay dib u caabiyeen Shabaabkii dhabaha u galay.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa qiray in ciidamada ay Al Shabaab dagaal culus kula galeen inta u dhexeyso Leego iyo Iidow Jalaat, gaar ahaan halka lagu magacaabo Shanta Baraako, ka dib markii ciidamadu ay halkaasi kula kulmeen maleeshyaad uu talisku sheegay isku uruursanayay.

“Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dagaalka kaga adkaaday maleeshiyaadkii, waxaana la burburiyay fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen.” Ayuu talisku ku sheegay warsaxaafadeed uu galabta soo saaray.

Taliska ayaa sheegay in dagaalka lagu dilay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaas oo ay ka mid yihiin baa warsaxaafadeedka lagu yiri Cabdifitaax Gaalgooriyow iyo Cabdiqaadir Xueen.

“Labadan xubnood ayaa kooxda u qaabilsanaa aagga u dhexeeya Leego iyo Buurhakaba, iyagoo si gaar ah masuul uga ahaa isku socodka waddooyinka ay isticmaalaan madaxda kooxda, gaar ahaan isgoysyada muhiimka ah ee Jiiro Yaasiin, Jiiro Kuulow, Iidow Jalaat iyo Dhargo, kuwaas oo isku xira waddooyinka u kala goosha Waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaasi ku daray “Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku jira fulinta Hawlgalka Banooda ayaa maalmihii u dambeeyay waday hawlgalo lagu baacsanayo maleeshiyaadka Khawaarijta qiimayn ah oo lagu xaqiijinayo xaaladda amni ee deegaanada.”

Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in laga hortegay Ciidanka Danab oo ka soo baxay Xerada Ballidoogle, oo doonayay bay tiri inay duulaan arbushaad ah ku soo qaadaan deegaanada lagu maamulo Shareeracada Islaamka ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Al Shabaab ayaa warsaxaafadeed ku sheegtay in dagaalka lagu dilay 17 askari, sidoo kalena ay maleeshiyadeeda ku furteen saanad ciidan, diyaarad drone ah iyo laba ka mid ah gaadiidkii dagaalka ee ay ciidamada wateen.

Shabaabka ayaa waxaa muuqata in ay isku dayayaan inay dagaalka ka fogeeyaan Degmada Buurhakaba iyo deegaanka kale ee Jameeco, oo ah waddadii ay ciidamada u mari lahaayeen degmadaasi.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saldhig militari ka sameystay aagga Leego, ka dib dagaalkii uu dhiigga badani ku daatay ee 26-kii bishii October ay Al Shabaab kula galeen tuulada Qardho oo hoostagta deegaankaasi Jameeco ee Gobolka Baay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc