Saraakiisha Guutada 6aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta soo bandhigay meydadka laba nin, oo ay ku sheegeen inay yihiin horjoogeyaal ka tirsan Al Shabaab, ka dib markii lagu dilay hawlgal gaar ah oo xalay ay ciidamadu ka fuliyeen deegaanka Kulan Jareer oo 45km dhinaca koonfureed ka xiga Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.
Taliyaha Guutada 6aad, Korneyl Ciise Jeelle Isaaq ayaa Warbaahinta u sheegay in ay raadinayeen xogta horjoogeyaashaasi.
“Xalay ayaa waxaan ku baxnay meel ay ku sugnaayeen laba qof oo Amiiro ah oo xogtooda aan raadinaynay, Ilaahay-na wuxuu nagu guuleeyay inaan ka takhalusno, wixii ay haysteena aan ka furano.” Ayuu yiri Taliyaha.
“Wixii aan ka furayna waa waxaan hoosteenna yaalo aad arkeysaan.” Ayuu yiri Taliyaha, iyadoo ay goobta ka muuqdeen laba qori oo AK47 ah iyo booshashkooda.
Muuqaal labaad oo Warbaahinta lala wadaagay ayaa laga arki karay meydadka xubnaha lagu sheegay Amiirada Al Shabaab ee hawlgalka lagu dilay.
“Inta Guutada 6aad ay joogto Gobolka Bakool, Ilaahay ayaa wax dilee, annaga ayaa dili doono Khawaarijta, haddii uu Ilaahay yiraahdo, gacanteenna way sarrayn doontaa.” Ayuu yiri Taliyuhu.
Taliyaha ayaan sheegin magacyada xubnahaasi, inkastoo sida uu sheegay ay Shabaabku isa sheegi doonaan.
Shabaabka ayaanan aalaaba ka hadlin khasaaraha maleeshiyada iyo horjoogeyaashooda ka soo gaara hawlgalada.


Screenshot
