Home Wararka Caalamka António Guterres “Israel waxay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada”

António Guterres “Israel waxay ku xadgudubtay sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada”

by Laacib

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, António Guterres ayaa mar kale si adag uga hadlay gabood-falada ay Israel ka gaysaneyso Marinka Gaza.

Xoghayaha ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay ciqaab wadareedka ay Israel ku hayso dadka reer Gaza, isagoona Israel ku eedeeyay in ay si cad ugu xadgudubtay shuruucda caalamiga ah ee bani’aadantinimada.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xadgudubyada cad ee sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada ee aan ku aragno Bariga Dhexe.” Ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Waxa kaloo uu yiri “Jooji dhibaatadan wadajirka ah ee ka baxsan bani’aadantinimada, isla-markaana fur wadiiqooyinka gargaarka bani’aadanimo.”

Xoghayaha oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Qaramada Midoobey ee Magaalada New York ayaa Maamulka Israel ugu baaqay xabad joojin degdeg ah.

“Ilaalinta dadka rayidka ah waa in ay noqotaa mid muhiim ah, mana ahan in ay bartilmaameed noqdaan. Ma jiro qof ka sarreya sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada.” Ayuu yiri António Guterres.

Waxa uu sheegay in xabad joojinta ay fure u noqon doonto in gargaar macno leh la gaarsiiyo shacabka ku go’doonsan magaalada, si loo badbaadiyo nolosha maatida aan waxba galabsan.

“Dhinacyada is haya iyo Beesha Caalamka waxaa saaran masuuliyad, si loo joojiyo dhibaatada ciqaab wadareedka ah iyo in si weyn loo ballaariyo gargaarka bani’aadantinimo ee la gaynayo Gaza.” Ayuu yiri Guterres.

Guterres ayaa dalalka deeq bixiyeyaasha ka codsaday hal dhibic laba bilyan oo dollar ($1.2B), si loogu caawiyo in ka badan laba milyan oo qof oo ku dhibaateysan Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc