Home Dhacdooyin Ciidamada Israel oo dhacdo argagax leh ka gaystay deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza

Ciidamada Israel oo dhacdo argagax leh ka gaystay deegaanka Rafah ee koonfurta Gaza

by Laacib

Waxay ahayd dhacdo kale oo dunidu ka argagaxday, ka dib markii Ciidamada Israel ay 12 qof oo isku qoys ahaa ku laayeen duqayn ay Arbacadii ka gaysteen deegaanka Rafah ee koonfurta Marinka Gaza.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mid ka mid ah gantaalo ku soo hoobtay deegaanka ay dadka barakacayaasha ku badan yihiin uu galaaftay nolosha 12 qof oo hal qoys ka soo wada jeeday.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qoyska ay masiibada ku dhacday ay yihiin qoyska Al-Noor, isla-markaana ay dhibaneyaasha ka mid yihiin carruur yaryar.

Muuqaalo goobta laga soo qaaday ayaa muujinaya gantaal burburiyay gurigii ay qoyskaasi ka deganaayeen deegaanka Rafah oo dhaca xadka Gaza iyo Masar.

Taliska Militariga Israel ayaa goor dambe oo Arbacadii ahayd sheegay in ay kordhiyeen duqaymaha ay ka wadaan deegaanka Khan Yunis oo dhanka waqooyi kaga beegan Rafah, waana xilli Israel ay ku hanjabtay in ciidamadeeda ay hawlgal dhinaca dhulka ah ka bilaabi doonaan Rafah oo ay ku nool yihiin qiyaastii 1.5 milyan oo barakacayaal ah.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), Tedros Ghebreyesus oo walaac ka muujiyay dilka aan loo meel dayin ee dadka rayidka ah ayaa sheegay in Gaza ay isu bedeshay aag dhimasho.

“Dhulka intiisa badan waa la burburiyay, in ka badan 29,000 oo qof ayaa la dilay, in badan oo kalena waa la la’yahay, waxaana loo maleynayaa inay dhinteen, qaar badan oo kalena way ku dhaawacmeen.” Ayuu yiri Tedros Ghebreyesus.

Martin Griffiths, Madaxa Qaramada Midoobay U Qaabilsan Gargaarka Bani’aadantinimada ayaa sheegay in uu ka argagaxay beegsiga dadka rayidka ah.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dadka rayidka ah ee ay Ciidamada Israel ku dileen ololahooda militari ee Gaza ay gaartay 29,313 qof, halka dhaawacana ay ku sheegtay 69,333 qof.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc