Home Wararka Maanta Diyaargarow ciidan oo ka jira Galmudug iyo Hirshabelle

Diyaargarow ciidan oo ka jira Galmudug iyo Hirshabelle

by Laacib

Wararka laga helayo Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in abaabul iyo diyaargarow ciidan uu ka jiro qaybo ka mid ah deegaanada Galmudug iyo Hirshabelle, si dhawaan dib loogu bilaabo hawlgalo lagu la dagaalamayo maleeshiyada Al Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka uu ciidan cusub u daabulayo furimaha hore, si nasiino iyo fasaxba loogu diro ciidamada muddooyinkii ugu dambeysay ku sugnaa difaacyadooda.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa la soo sheegaya in hub iyo rasaasba uu gaarsiiyay Taliska Qaybaha 21aad iyo 27aad ee ka hawlgala Gobolada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Taliska ayaa qorsheynaya in guluf ballaaran lagu qaado dhulka ay Shabaabku kaga sugan yihiin goboladaasi, si loo xaqiijiyo dhameystirka wejiga labaad ee la dagaalanka Al Shabaab.

Dadka deegaanka ee la abaabulay ama Macawiisley ayaa loo diyaarinaya kaalintooda kaga aaddan gulufka militari ee abaabulkiisu uu socdo.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Talaadadii Magaalada Muqdisho ku qaabilay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ee Ciidamada Mareykanka, Korneyl David Haskell ayaa ka codsaday in ciidamadiisu ay gacan ka gaystaan qorshaha dagaal ee ay doonayaan in ay ku wiiqaan Shabaabka Gobolada Dhexe.

Korneyl David Haskell ayaa General Caddow u sheegay in ay si hufan uga qayb qaadan doonaan qorshaha istiraatiijiyadeed ee ay xilligan ku wajahayaan la dagaalanka Al Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha Turkiga ee dalka ka hawlgala ayaa la filayaa in Ciidanka Qaranka ay ka taageeraan hawlgalada xagga cirka, iyadoo Mareykanka iyo Turkiguna ay yihiin labada dal ee la ogyahay ee Villa Somalia ka caawiya duqaymaha ka dhanka ah maleeshiyada Shabaabka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu waday in daba-yaaqadii bishii April uu dib ugu laabto Gobolada Dhexe ayaa uga baaqday, sababo ku aaddan khilaafka siyaasadeed ee ka soo dhex cusboonaaday Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Madaxweynaha ayaa marar badan sheegay inaanay ka laaban doonin dagaalkan, illaa iyo inta ay kooxaha argagixisada ku sugan yihiin taako ka mid ah dalka.

Dagaalkan ayaa muhiim u ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, si laba sano ka dib ay dalka uga qabsoomto doorasho dadweyne, waana mid ka mid ah waxyaabaha ugu waaweyn ee horyaalla dowladdiisa.

Xaaladda amni ee dalka oo aan waxba laga qaban suurtagal uma ahan Villa Somalia in markii ugu horreysay ay dalka ka qabato doorasho qof iyo cod ah, tan iyo dib u yegleeliddii Dowladnimada Somaliya oo 24 sano laga joogo.

Shabaabku oo 17 sano dalka ka dagaamayay ayaa loo arkaa dhibaatada ugu weyn ee caqabadda ku ah in uu hagaago amniga dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la eegaya, sida uu kaga gudbi doono caqabadda Shabaabka ee lugaha ku dhegan dowladdiisa, haddiiba ay horu-socod samayn lahayd.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc