Home Wararka Maanta Dowladda oo soo bandhigay macalimiintii la shaqaaleysiiyay (SAWIRRO)

Dowladda oo soo bandhigay macalimiintii la shaqaaleysiiyay (SAWIRRO)

by Laacib

Dowladda Federaalka ayaa maanta Dugsiga Tababarka Booliska General Kaahiye ee Magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay saddexdii kun ee macalimin ee ay shaqaaleysiisay.

Macalimiintan ayaa bishii May lagu dhawaaqay inay ku guuleysteen imtixaankii ay dowladdu qaadday bishii February, loona qaatay in dalka ay macalimiin ka noqdaan.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre ayaa tababar u furay macalimiintan, oo sida uu qorshuhu yahay hawlgali doona bisha September.

Raysal Wasaaraha ayaa macalimiintaasi kula dardaarmay in ay noqdaan kuwo soo saara arday tayo leh oo waxbarashadoodu sugan tahay, isla-markaana ay noqdaan kuwo ka soo dhalaala howsha loo xilsaaray, ee ah waxbaridda iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in waxbarashadu ay qayb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha, wuxuuna ku booriyay macalimiinta in ay soo saaraan arday Muslim oo aan is qarxineyn, Soomaali ah, qabyaalad aqoon, tuug ahayn, aqoon leh, caalamkana la falgeli kara.

Raysal Wasaaraha ayaa ka dhawaajiyay in Xukuumaddiisa Dan-Qaran ay ku guuleysatay muddo ka yar sanad inay shaqaaleysiiso 23 kun oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah, kuwaa oo isugu jira ciidan iyo macalimiin.

“In kharashka dowladda lagu daro macalimiin gaaraysa 3,000, waxay ahayd arrin adag. Xukuumadda Dan-Qaran iyadoon sanad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS, dhammaadka 2024 iyo 3 kun oo macalin.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Barre.

Raysal Wasaare Barre ayaa mar kale ku celiyay in la banneeyo goobaha waxbarashada ee ay degan yihiin shacabka, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc