Home Wararka Maanta Dowladda oo soo saartay digniin ku aaddan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Burco iyo Hobyo

Dowladda oo soo saartay digniin ku aaddan Magaalooyinka Dhuusamareeb, Burco iyo Hobyo

by Laacib

Raysal Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka, Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kulan degdeg ah la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo lagaga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar ka mid ah gobolada dalka.

Kulanka ayaa si dhow looga hadlay xaaladda dhabta ah ee ka jirta meelaha ay sida weyn daadadka iyo fatahaadaha u saameeyeen, oo dad badani ay ku dhinteen.

Dowladda Federaalka ayaa xaqiijisay in illaa hadda ay 25 qof ku dhinteen gobolada ay roobabka mahiigaanka ah ka da’een, isla-markaana ay saameyn ku yeesheen 717,825 oo qof.

Raysal Wasaare Kuxigeenka Somaliya ayaa sheegay in xaaladdu ay ka sii dari karto, isagoona ka digay in goobo kale ay fatahaaduhu ka dhacaan.

Wuxuu sheegay in magaalooyin ay ka mid yihiin Dhuusamareeb, Hobyo iyo Burco ay halis ugu jiraan fatahaadaha.

“Waxaa halis ku jira magaalooyin ay ka mid tahay Dhuusamareeb, Burco iyo Hobyo.” Ayuu yiri Raysal Wasaare Kuxigeenka.

Waxa uu ku baaqay in la helo xeelad walba oo gurmad lagu gaarsiin karo meelaha ay go’doomiyeen daadadka iyo fatahaadaha is wata.

Dhanka kale ganacsatadii ka qaybgalay kulanka ayaa sheegay in dhankooda ay gacan ka gaysan doonaan gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay roobabka ka da’aya dalka.

Gobolada Gedo, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Baay, Bakool, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud ayaa lagu sheegay in ay yihiin gobolada ugu daran ee ay fatahaaduhu halakeeyeen.

Magaalada Gaalkacyo oo kale waxay markii ugu horreysay ay dadku uga barakaceen daadad aanay hore noocooda u arag, isla-markaana sida ay sheegeen ku cusub.

Sidoo kale Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa la sheegay in lix qof ku dhinteen roobabka saacadihii ugu dambeeyay ka da’aayay magaaladaasi.

Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa marar badan soo saartay digniino ay shacabka ugu sheegeyso in ay feejignaadaan.

Digniinaha ayaa muujinaya in ay jirto isbedel cimileed oo khatarteedu ay baahi karto, taas oo ka dhalatay duufaanta El Niño.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc