Home Wararka Maanta Golaha Ammaanka ee QM oo shir degdeg ah ka leh toogashadii Gaza

Golaha Ammaanka ee QM oo shir degdeg ah ka leh toogashadii Gaza

by Laacib

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa shir degdeg ah ka yeelanaya toogashada ay Ciidamada Israel u gaysteen dad rayid ah oo sugayay in gargaar loo qaybiyo.

Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay hadda gaartay 112 qof, iyadoona sheegtay in dadka dhaawacmay ay gaarayaan 760 qof. Dadkan ayaana lagu laayay Waddada Rashid ee xeebta galbeedka Gaza.

Shirka Golaha Ammaanka ayaa caawa ka dhacaya Magaalada New York, ka dib markii ay codsatay Dowladda Algeria oo xubin ka ah 15-ka dalka ee xubnaha ka ah golahaasi.

Bulshada caalamka ayaa argagaxday tallaabada ay Ciidamada Israel ku bartilmaameedsadeen dad gaajeysan oo gargaar sugayay.

Dhacdadan ayaa mar kale indhaha dunida ku soo jeedisay gumaadka ay Ciidamada Israel ka wadaan Marinka Gaza, taas oo ay dheer tahay in weli ay hortaagan yihiin gargaarka bani’aadantinimo ee ay sida weyn dadku ugu baahan yihiin.

Ururka Xamaas ayaa sheegay in dilka iyo gaajeysiinta dadka rayidka ah ay Israel ka leedahay in ay dhul hor leh kaga qabsato Falastiiniyiinta.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc