Home Wararka Maanta Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaano oo ka badbaaday weerar ismiidaamin

Madaxweynaha Galmudug iyo Xildhibaano oo ka badbaaday weerar ismiidaamin

by Laacib

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo xubno ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa saaka ka badbaaday weerar ismiidaamin ahaa.

Nin la socday gaari Leyla Calaawi ahaa oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa weeraray goobta ay masuuliyiinta ka degan yihiin deegaanka Laas-gacamey ee Gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in ilaalada Madaxweynaha ay rasaas xoog leh oodda kaga qaadeen gaarigaasi, taas oo keentay in gaarigu uu ku qarxo, goob wa xoogaa ka fog halkii ay madaxda ku sugneyd.

Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senator Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka tirsan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ka mid ah xubnihii la joogay Madaxweynaha Galmudug, xilligii uu weerarku dhacayay.

Xildhibaan Dhabancad oo ah Xildhibaanka ugu da’da weyn Golaha Shacabka ayaa la sheegaya in dhaawac fudud uu ka soo gaaray gacanta.

Wasiir Kuxigeenka Caafimaadka Galmudug, Maxamuud Axmed Maxamed ayaa sheegay in laba askari ay qaraxa ku dhinteen, laba iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Wasiir Kuxigeenka ayaa xaqiijiyay in xaaladda Xildhibaan Dhabancad ay degan tahay, isla-markaana aanay gacantu jabnayn.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu hakiyay qorshe la doonayay in maanta ciidamadu kula wareegaan deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Qoorqoor oo Arbacadii gaaray deegaanka Laas-gacamey ayaa halkaasi u tegay dardargelinta gulufka militari ee Shabaabka looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta gobolkaasi.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc