Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magacaabay Guddiga Ansixinta iyo Xallinta Khilaafaadka ee Golaha Wakiilada Puntland.
Madaxweynaha Puntland ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku soo magacaabay Guddigan, oo ka kooban sideed xubnood.
Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-
1. Isxaaq Axmed Xasan (Guddoomiye )
2. Siciid Xirsi Bulxan (Xubin)
3. Cabdi Cabdullaahi Xaashi (Goley) (Xubin )
4. Cabdirashiid Saleebaan Geelle (Xubin )
5. Faarax Cabdi Dhalac (Xubin)
6. Nabadoon Maxamuud Maxamed Axmed (Xubin)
7. Axmed Cabdi Cali (Xubin)
8. Yuusuf Suudi Cabdi (Xoghayn).
Magacaabistooda ayaa imaanaysa, xilli Isniintii uu buuq hareeyay kulan ay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ku yeesheen Magaalada Garoowe.
Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa horaan ka digay inaanu Madaxweyne Deni magacaabi karin guddi aan heshiis lagu ahayn.