Home Wararka Maanta Madaxweyne Muuse Biixi oo is bedel ku sameeyay Golaha Wasiirada Somaliland

Madaxweyne Muuse Biixi oo is bedel ku sameeyay Golaha Wasiirada Somaliland

by Laacib

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyay xil ka qaadis, magacaabid iyo isku bedel uu ku sameeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa u qorneyd:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

1. Ku: Cabdiqaadir Iimaan Warsame;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Beeraha
2. Ku: Dr. Cabdiweli Sh. Cabdillaahi Suufi Jibriil;
Wasiirkii Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

3. Ku: Sh. Cabdirisaaq Xuseen Cali Albaani;
Wasiirkii Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
4. Ku: Cabdi Cismaan Cabdulle Dhaga-weyne;
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaran.

Ujeeddo: Magacaabid.

Wareegtooyin Madaxweyne; Magacaabid iyo Isku-beddel
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Axmed Yuusuf Idiris Cawaale Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.
2. Axmed Aadan Axmed Buuxane Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
3. Axmed Maxamed Diiriye Cige Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka.
4. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maal-gashiga.
5. Cali Xasan Maxamed Jaamac Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.

6. Saleebaan Yuusuf Cali Koore Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha.
7. Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
8. Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka.

9. Raabbi Cabdi Maxamed Maxamuud Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha.
10. Saleebaan Cawad Cali Bukhaari Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
11. Axmed Maxamed Habbane Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc