Home Dhacdooyin Markab laga leeyahay Israel oo lagu weeraray Xeebaha India

Markab laga leeyahay Israel oo lagu weeraray Xeebaha India

by Laacib

Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ayaa la sheegay inay bartilmaameedsatay markabkan, oo ahaa nooca ganacsiga, isla-markaana lala xiriiriyay Isrsel.

Markabka oo watay Calanka Liberia ayaa lagu weeraray meel 200 oo miles koonfur galbeed kaga beegan Magaalada Veraval ee dalkaasi India.

Shirkadda ammaanka ee Badda Britain ee Ambrey ayaa sheegtay in markab xamuul, oo nooca kiimikada ah lagu weeraray meel wa-xoogaa ka durugsan xeebaha galbeed ee India.

Shirkadda Ambrey ayaa ku warantay in dab uu qabsaday markabka, oo ka ambabaxay dalka Sacuudiga, kuna sii jeeday dalka India, balse aysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Ilaalada ee Xeebaha India ayaa Wakaaladda Wararka Reuters u sheegay in ay ka jawaabeen codsi gargaar oo Sabtidan uga yimid markabka.

Ku dhawaad 20 shaqaale oo markabka la socday ayaa la xaqiijiyay in ay badqabaan, iyadoo dhanka kalena mar dambe lagu guuleystay in dabkii qabsaday markabkaasi la baqtiiyo.

Warbaahinta India ayaa sheegtay in uu burbur soo gaaray booyada markabka. Warbaahinta ayaana markabkan u aqoonsatay inuu yahay MV Chem Pluto, kaas oo qaada saliidda cayriin.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, balse weerarka ayaa imaanaya, toddobaadyo ay Xuuthiyiinta Yemen weeraro ku hayeen maraakiibta ganacsi ee lala xiriiriyo Israel ee adeegsata Badda Cas.

Weeraradan ayaa shirkadaha qaar ku khasbay in ay maraakiibtooda ka weeciyaan Badda Cas, una wareegaan cirifka koonfureed ee Qaaradda Afrika, oo ah waddo uu kharashkeedu badan yahay.

Xuuthiyiinta oo ka arrimiya inta badan dalka Yemen, oo ay ku jirto Caasimadda Sanca ayaa weeraradooda ku sheegay kuwo jawaab u ah duulaanka Israel ee Marinka Gaza iyo gargaarka ay hortaagan tahay in dadka rayidka ah la gaarsiiyo.

Weerarada Xuuthiyiinta ayaa caqabad weyn ku noqday ganacsigii wax soo dejinta iyo dhoofinta ee Dekedaha Israel, oo hadda u muuqdo kuwo joojiyay howlihii shaqo ee ka socday.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc