Home Wararka Caalamka Meydadka Saraakiishii Emirate-ka Carabta oo laga dejiyay Abu Dhabi (SAWIRRO)

Meydadka Saraakiishii Emirate-ka Carabta oo laga dejiyay Abu Dhabi (SAWIRRO)

by Laacib

Saraakiishii Emirate-ka Carabta ee ku dhintay toogashadii xalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa meydadkooda la geeyay Magaalada Abu Dhabi, si halkaasi loogu aaso.

Diyaarad militari oo ay leeyihiin Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi oo maanta meydadka Saraakiisha ka qaatay Garoonka Aadan Cadde ayaa ka dejisay Garoonka Diyaaradaha Al Bateen.

Wakaaladda Wararka Emirate-ka Carabta ee WAM ayaa sheegtay in Magaalada Abu Dhabi la soo gaarsiiyay meydadka afar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaasi.

WAM ayaa magacyada Saraakiishaasi ku kala sheegtay Korneyl Mohamed Al Mansouri, Mohamed Al Shamsi, Khalifa Al Balushi iyo Suleiman Al Shehhi.

“Garoonka Al Bateen ayaa lagu qabtay munaasabad lagu qaabilayay meydadka shuhadada, waxaana ka qaybgalay musuuliyiin & saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo weliba qoysaska iyo ehelada shuhadada.” Ayay ku warantay WAM.

Wasaaradda Difaaca Emirate-ka Carabta ayaa goor sii horreysay sheegtay in weerarka ka dhacay Xerada Tababarka Militariga ee General Gordon lagu dilay saddex ka mid ah Saraakiishooda iyo Sarkaal kale oo u dhashay dalka Bahrain.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sidoo kale ay weerarka ku dhaawacmeen laba Sarkaal oo kale.

Warbaahinta dalkaasi ayaase sheegtay in mid ka mid ah labada Sarkaal ee dhaawacmay uu markii dambe geeriyooday.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaasi ayaa sheegtay in Saraakiisha ay shahiideen, iyagoo gudanaya waajibaadkooda ah in la tababaro oo la tayeeyo Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, taasoo qayb ka ah heshiiska laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dowladood, kuna qotoma iskaashiga militari ee labada dal.

Wasaaradda ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ugu tacsiyeysay qoysaska iyo ehelada Saraakiisha.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa la sheegay in uu toogashada gaystay, kaas oo markii dambe isna la dilay. Al Shabaab ayaana sheegatay masuuliyadda weerarka.

Safaaradda Mareykanka ee Magaalada Muqdisho ayaa cambaareysay waxa ay ku sheegtay weerar fuleynimo ah oo ka dhan ah hawlgalka tababarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si adag u cambaareeyay weerarkaasi ayaa laamaha amniga faray inay si degdeg ah u baaraan dhacdadaasi.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug yeelata abaabulka weerarkaasi.

Xerada General Gordon oo ku taala Waddada Warshadaha ayaa waxaa maamusha Dowladda Emirate-ka Carabta, waana xero lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee ku biiraya kuwa Dowladda Federaalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc