Home Wararka Caalamka Suudaan oo haadaan ka sii dhaceysa

Suudaan oo haadaan ka sii dhaceysa

by Laacib

Ciidanka Militariga Suudaan iyo Xoogaga Gurmadka Degdegga ee RSF ayaa toddobaadkii 12aad ku dagaalamaya dalkaasi, iyadoona uu dagaalku ku sii fidayo dalka intiisa kale.

Labada dhinac ayaa waxaa Axaddii Magaalada Khartoum ku dhex maray dagaal faraha looga gubtay, tani oo ka dambeysay markii Ciidanka Militariga ay dhanka cirka ka garaaceen fariisimo ay Xoogaga RSF ku leeyihiin waqooyiga magaaladaasi.

Xaaladda ayaa u muuqatay mid degan, wixii ka dambeeyay maalintii ka horreysay Ciidda Carafo, markaas oo dhinacyadu ay ku heshiiyeen xabad joojin ku-meel-gaar ah, dabaaldegga maalmaha ciidda awgeed, waxaase mooddaa in deganaanshihii aan cagaha badan ku taagnayn ee ka jiray magaalada ay soo geb-gabowday shalay.

Hoggaamiyaha Golaha Talada ee Suudaan, General Abdel Fattah al-Burhan iyo Kuxigeenkiisii hore General Mohamed Hamdan Dagalo ayaa ku dagaalamaya awoodda dalka, waxaana aad u yar rajada laga qabo in mustaqbalka dhow xal laga gaaro dagaalka dalkaasi.

Caasimadda Khartoum oo xudun u ah colaadda dalkaasi ayaa waxaa hay’adaha gargaarka ku adkaatay in ay kaalmada bani’aadanimo gaarsiiyaan dadka u baahan, bacdamaa aanay labada dhinac si buuxda u damaanad qaadin amniga iyo badqabka shaqaalaha samafalka.

Waddooyinka Khartoum ayaa ku xirmay dagaalka 15-kii bishii April ka qarxay magaaladaasi, iyada oo isu bedeshay furin colaadeed.

Sidoo kale dagaalo qaraar ayaa laga soo sheegaya Gobolka Galbeedka Darfur, halkaas oo la sheegay in rayidka loogu bartilmaameedsanayo, looguna dilayo heybtooda oo ku badan RSF iyo maleeshiyaadka kale Carabta ee isbahaysiga ah.

Dagaalka ayaa dalkaasi ka abuuray dhibaato bani’aadanimo oo aad u weyn, waana dagaalka kaga sii daray xaaladda bani’aadanimo ee Suudaan oo markii horeba ahayd mid aad u liidato.

Ku dhawaad saddex milyan oo qof ayaa ku barakacay dagaalka, halka in ku dhow milyan kalena ay ka gudbeen xuduudaha dalkaasi, kuwaa oo maanta qaxooti ku ah dalalka deriska.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku barakacay gudaha dalka ay halis ugu jiraan cudurro iyo nafaqo darro.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in saddex meelood laba meel ay xarumaha caafimaadka ku xirmeen goobaha ay dhibaatadu ka jirto.

Dad badan oo dhaawacyo qaba ayaa awoodi waayay inay gaaraan goobaha caafimaadka, taas oo qayb ka ah in meydadku ku qurmaan waddooyinka Khartoum iyo Darfur.

Saddex kun illaa shan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalka, ku dhawaad sideed kun oo kalena way ku dhaawacmeen.

Tirada dadka ku dhintay dagaalka ayaana la aaminsan yahay inay ka badan tahay, inta la diiwaangeliyay.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda Suudaan ayaa u muuqato mid ka sii dareysa, xilli aanay jirin cid si dhab ah u dhexdhexaadineysa labada dhinac. Dhexdhexaadintii ay Sacuudiga iyo Mareykanka garwadeenka ka ahaayeen ayaa guuldareystay bishii June.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc