Home Wararka Maanta Taliska Militariga oo sheegay in Shabaab laga sifeeyay waddada Ruunirgood iyo Nuur Dugle

Taliska Militariga oo sheegay in Shabaab laga sifeeyay waddada Ruunirgood iyo Nuur Dugle

by Laacib

Taliyaha Guutada Gumac ee Ilaalo Qaran, Dhamme Sayid Cali Cabdi ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay ka sifeeyeen waddada xiriirisa Degmada Ruunirgood iyo deegaanka Nuur Dugle ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Taliyaha ayaa bidhaamiyay in waddadan ay ahayd goob bahalo galeen ah, oo maleeshiyada Shabaab ay dadka ku dhibaateeyaan, balse ay maanta xor ka tahay

“Nuur Dugle iyo Magaalada Ruunirgood waxaa u dhaxeeyay sida aan wada ogayn niman cadow ah oo waddada soo gala, shacabka gumaada, baabuurta ku qarxiya oo dadka dila.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa yiri “Nuur Dugle waxaan uga soo baxnay lug, socodkii efantariga aan soo mareynay waxaan u soo marnay inaan soo sifeyno dalkan aan soo dhaafayno annaga dhammaanteen, meel walba oo aan soo marnayna ugu talagalay inaan ka fiirino, qiimeyno ummadda Soomaaliyeed waxa dhibaateynayo iyo waxa qaranka waddada soo marayo dhibaateynayo, illaa Ruunirgood waxaan ku imaanay socod dhanka dhulka ah.”

Waxa uu sheegay in muddadii ay safarka ku soo jireen ay gacanta ku dhigeen xubno ay ka mid yihiin maleeshiyada Al Shabaab iyo weliba dad shacab ah, oo markii dambe ay wax caddeymo ahi ku waayeen.

“Waxaan soo qabanay dad kala duwan, niman ka mida ay noqdeen Shabaab, qaybo ka midana ay noqdeen dad shacab ah, oo wax caddeymo ah loo waayay inay Shabaab yihiin.” Ayuu yiri Taliyuhu.

Dhanka kale Dhamme Sayid Cali Cabdi, Taliyaha Guutada Gumac ee Xoogga Dalka ayaa sheegaya inuu hadda hawlgalkoodu ku wajahan yahay deegaanka Cowsweyne ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo maleeshiyada Al Shabaab ay ku leeyihiin mid ka mida difaacyadooda ay ka difaacanayaan gacan ku haynta Magaalada Ceelbuur.

“Hawlgalkeenna kuma eka Ruunirgood illaa waan socon doonnaa meesha la yiraahdo Cowsweyne iyo meel alaala ay ku sugan yihiin nabadiidka.” Ayuu yiri Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee Ruunirgood.

Garab kale oo ka mid ah Ciidanka Guutada Gamac ee lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay gaaraan Gobolka Hiiraan, iyadoona ay tahay in ay ka qayb qaataan gulufka lagu xoreynayo deegaanada dhaca daanta galbeed ee Webiga Shabelle.

Guutada Khaalid Bin Waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sii wada hawlgalka ay maleeshiyada Al Shabaab kaga sifeynayaan deegaanada dhaca xadka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Galgaduud.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar (Alcadaala) ayaa sheegay in maleeshiyaad yar oo kuwa Al Shabaab ah ay ku dhuumaaleysanayaan qaybo ka mida dhulka hawdka ee u dhaxeeya labada gobol.

Alcadaala oo Jimcihii ka qaybgelayay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC ayaa sheegay in hawlgalkan uu kaabayo midka ay Ciidamada Qalabka Sida iyo xoogaga deegaanka ka sameynayaan deegaanada Galmudug.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa juhdi badani ku bixinaya, sidii Shabaab looga ciribtiri lahaa deegaanada Galmudug iyo guud ahaanba dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc