Home Dhacdooyin Wararkii ugu dambeeyay daadadka ku soo rogmaday Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

Wararkii ugu dambeeyay daadadka ku soo rogmaday Magaalada Baydhabo (SAWIRRO)

by Laacib

Xaalad adag oo nololeed ayaa la soo sheegaya in ay soo wajahday qoysaska barakacayaasha iyo dadka kale ee danyarta ah ee ku dhaqan Magaalada Baydhabo, ka dib daadad ku soo rogmaday magaaladaasi.

Daadadkan ayaa ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada, si weyna u saameeyay dadka.

Illaa lix qof oo carruur ay ku jiraan ayaa illaa iyo hadda la ogyahay in ay ku dhinteen daadadka ku soo rogmaday xeryaha barakacayaasha iyo xaafadaha magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in ay jiraan dad aan nolol iyo geeri midna lagu hayn, taas oo walaac ku haysa qoysaska iyo ehelada ee xubnaha la la’yahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale ay jiraan qoysas u badan kuwa barakacayaasha, oo aysan jirin meel ay uga baxaan biyaha oo magaalada u bedelay balli.

Dadku waxay dalbanayaan gurmad degdeg ah iyo kaalmo ay ku gaari karaan berri iyo saadambe.

Daadadka ayaa kala jaray isu socodkii dadka iyo gaadiidka ee Xarunta Gobolka Baay ee Magaalada Baydhabo.

Waayeelka Baydhabo ayaa sheegaya inaanay ebid arkin roobab la mid ah kuwaan oo kale.

Baardheere, Baydhabo iyo Gaalkacyo waxaa la leeyahay waxay ku suntan yihiin meelaha ay sida weyn fatahaadaha biyuhu u saameeyeen, iyadoona laga digayo khatar caafimaad oo magaalooyinkaasi soo food-saarta.

Magaalooyinkan ayaa la sheegay in ay isu furmeen ceelashii la cabaayay iyo musqulihii, waana tan digniinta koowaad ee khatar caafimaad ee Cholera laga muujinayo.

Roobabkan ayaa la aamisan yihiin in ay ka dhasheen isbedelka cimilada ee ay sababtay duufaanta El Niño.

Dowladda Federaalka ayaa xaalad degdeg ah uga dhawaaqday Gobolada Koonfurta & Bartamaha ee ay daadadka iyo fatahaadaha is wata ka dhaceen.

Xafiiska Raysal Wasaaraha Xukuumadda ayaa wada dadaalo gurmad lagu gaarsiin karo meelaha ay fatahaaduhu go’doomiyeen, iyadoo laga jawaabayo dhibaatooyinka ay sababeen roobabka dayrta ee ka da’aya qaar ka mid ah gobolada dalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc