Home Wararka Maanta Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay dagaalkii Jowhar

Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka hadashay dagaalkii Jowhar

by Laacib

Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliya ayaa war ka soo saartay dagaalkii xooganaa ee shalay galab ka dhacay nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay Ciidanka Kumaandooska Danab ee garoonkaasi degan iyo Ilaalada Madaxtooyada Hirshabelle oo gelbineysay kolonyo ay la socdeen wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, oo howlo shaqo ugu socday Magaalada Muqdisho.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa warkan oo xalay ay soo saartay ku sheegtay in ay ka xun tahay dhacdada ka dhacday agagaarka Garoonka Maxamed Dheere.

“Wasaaraddu waxay xanuunka la qaybsanaysaa masuuliyiinta iyo ciidamada ay halkaasi waxyeeladu ku soo gaartay.” Ayaa lagu yiri warka.

Warka ayaa lagu sheegay “Taliska Ciidanka Xoogga iyo Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida waxa ay bilaabeen baaritaanka falkaasi, waxaana si degdeg ah caddaaladda loo horgayn doonnaa ciddii ku lug yeelata dhacdadaas.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay u taagan yihiin, una hurayaan naftooda difaaca dadka, dalka iyo diinta. Fal kasta oo intaas liddi ku ah, ma ahan mid metela habdhaqanka iyo anshaxa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.”

Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay “Waxaan ka sugeynaa Dowladda Federaalka jawaab degdeg ah in ay naga siiyo, waxa maanta naga gaaray ciidankaasi hugsan Ciidankeenna Dowladda Federaalka ah ee dharkiisa wata, ee aan ka sugeynay annaga inay garab noo noqdaan, laakiin maanta si lama filaan ah noo huwiyay rasaas iyo dagaal, oo aanan annaga xisaabta noogu jirin.”

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc