Home Wararka Caalamka Xamaas oo eedeymo u jeedisay Mareykanka

Xamaas oo eedeymo u jeedisay Mareykanka

by Laacib

Ururka Xamaas ee ka arrimiya Marinka Gaza ayaa si adag u cambaareeyay is hortaagga Mareykanka uu ku sameeyay dadaalada uu caalamka ku dalbanayo in la joojiyo duulaanka Israel ee Gaza iyo in dadka rayidka ah loo ogolaado kaalmada bani’aadantinimo ee ay sida weyn ugu baahan yihiin.

Ururka Xamaas ayaa war uu soo saaray ku sheegay in isticmaalka Mareykanka ee codka diidmada qaxayan ee qaraarkii ugu dambeeyay Qaramada Midoobey ee dalbanayay xabad joojinta Gaza uu dhabaha u xaarayo in Israel ay sii waddo weeraradeeda anxan-darada ah ee ka dhanka ah dadka aan waxba galabsan.

“Go’aanka Maamulka Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden uu ku hor istaagay qaraarka qabyada ah ee Algeria soo diyaarisay ayaa faa’iido u leh ajandaha gumeysiga Israel, kaas oo ujeedadiisu tahay dilka iyo barakacinta Falastiiniyiinta.” Ayaa lagu yiri warka Xamaas.

Warka Xamaas ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Biden iyo maamulkiisa ay ka masuul yihiin in meesha laga saaro qaraarka ku baaqaya xabad joojinta Gaza.

“Madaxweyne Biden iyo maamulkiisa ayaa si toos ah uga masuul ah in meesha laga saaro qaraarka xabad joojinta Gaza.” Ayaa lagu yiri warka.

Xamaas ayaa Mareykanka ku eedeysay in uu Israel fursad u siinayo, si ay u sii waddo xasuuqa ay ku hayso shacabka Falastiiniyiinta, iyadoo ay Israel isticmaaleyso barnaamijkeeda ah dilka iyo gaajeysiinta.

“Mowqifka Mareykanka ayaa tixgelinaya iftiinka cagaaran, si loo gaysto xasuuq badan oo lagu leynayo dadkeenna aan waxba galabsan, iyada oo loo isticmaalayo bam iyo gaajeysiin.” Ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Xamaas.

Duulaanka Israel ee Gaza oo galay bishiisii 5aad ayaa galaaftay nolosha in ka badan 29 kun oo qof oo shacab, ku dhawaad 70 kun oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha Qaramada Midoobey ayaa marar badan Ciidamada Israel ku eedeeyay in si aan loo meel dayin ay u bartilmaameedsanayaan dadka rayidka ah.

Ciidamada Israel ayaa lagu eedeeyay in sidoo kale ay hortaagan yihiin in cunnada, biyaha nadiifta, shidaal iyo sahayda dawada ah la gaarsiiyo dadka ku barakacay weerarada ay ka wadaan Gaza, iyadoona Qaramada Midoobey ay sheegtay in ciqaab wadareedka rayidka ay u dhigmaan dembi dagaal, sida ku cad sharciga caalamiga ah ee bani’aadantinimada iyo kan dagaalka.

Dunida ayaa si weyn uga walaacsan xadgudubyada ay Ciidamada Israel ka gaysanayaan Marinka Gaza, waxaana uu baaqeedu yahay in si bilaa shuruud ah loo soo afjaro weeraradooda Gaza.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc