Home Dhacdooyin Xamaas oo markii ugu horreysay adeegsatay gantaal aan laga fileynin

Xamaas oo markii ugu horreysay adeegsatay gantaal aan laga fileynin

by Laacib

Xoogaga Ururka Xamaas oo markii ugu horreysay adeegsaday gantaal aan la fileynin inay haystaan ayaa beegsaday diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin Ciidanka Difaaca Israel ee ka dagaalamaya Marinka Gaza.

Garabka Militariga Xamaas ee Al-Qassam ayaa war ay soo saareen ku sheegay in gantaalka SAM-18 ay la heleen diyaaraddaasi, xilli ay ku duuleysay deegaanka Al-Saftawi ee waqooyiga Gaza.

“Guutooyinka Al-Qassam waxay bartilmaameedsadeen diyaarad Helicopter ah oo militari, oo ay la beegsadeen gantaalka SAM-18, xilli diyaaradda ay mareysay deegaanka Al-Saftawi ee waqooyiga Magaalada Gaza.” Ayaa lagu sheegay war ka soo baxay Al-Qassam.

War kale oo ka soo baxay Al-Qassam ayaa lagu sheegay in xoogaga wax iska caabinta ay markii ugu horreysay ay Arbacadan adeegsadeen gantaal kale oo la yiraahdo RPO-A, kaas oo ay ku weerareen guri ay ku sugnaayeen Ciidamada Israel.

“Guutooyinka Al-Qassam waxay markii ugu horreysay ay gantaalada difaaca ee RPO-A ay la beegsadeen Ciidamada Gaarka Sahyuuniyadda, iyagoo ku sugnaa guri ku yaala waddada qadiimiga ah ee Gaza ee deegaanka Jabalia Al-Balad, taas oo keentay in la dilo oo la dhaawaco dhammaan askartii guriga ku jirtay.” Ayaa lagu yiri warka.

Waa markii ugu horreysay inta la ogyahay ay Xoogaga Xamaas soo ridaan diyaarad Helicopter ah, tan iyo intii ay colaaddan Falastiiniyiinta iyo Ciidamada Israel dib uga soo cusboonaatay Bariga Dhexe.

Tani waxaa la leeyahay waa farriin toos ah oo ku socota Israel iyo xulafadooda, looguna sheegayo in Xamaas ay haysato hub aysan fileynin.

Xamaas waa cududda ugu weyn dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Falastiiniyiinta ee ka dagaalamaya magaalada go’doonsan ee Gaza, waana dhaqdhaqaaq gobanimo doon ah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc