Home Wararka Caalamka Xisbullah oo weerar aargudasho ka gaysatay Israel

Xisbullah oo weerar aargudasho ka gaysatay Israel

by Laacib

Ururka Xisbullah ee fadhigoodu yahay dalka Lubnaan ayaa maanta weerar diyaaradeed ku qaaday saldhig ay Ciidamada Israel ka ilaaliyaan amniga xuduudda Israel la wadaagto Lubnaan.

Xoogaga Xisbullah ayaa bartilmaameedsaday Xarunta Taliska Militariga Israel ee Magaalada Safed, iyadoo Xisbullah ay sheegtay in weerarka loogu aargudayay masuuliyiintii ay Israel ku dishay dalka Lubnaan.

“Dhowr xabo oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaan ku weerarnay Xarunta Taliska Waqooyiga ee Magaalada Safed, tani oo jawaab u ah dilkii uu cadowgu Isniintii u gaystay Taliye Wissam Tawil, waana weerar loogu aargudayay shirqoolkii ay dhawaan cadowgu ku dileen Saleh al-Arouri, Kuxigeenkii Madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas” Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Xisbullah.

Wissam Tawil oo loo yaqaanay (Jawad) ayaa ahaa Kuxigeenka Madaxa Unug ka tirsan Ciidamada Radwan, kaas oo shalay lagu dilay duqayn ka dhacday koonfurta Lubnaan. Arouri ayaa isna lagu dilay duqayn 2-dii bishan ka dhacday Caasimadda Beyruut.

Warbaahinta Israel ayaa sheegtay in mid ka mid ah diyaaradihii weerarka loo adeegsaday ay ku qaraxday saldhigga la beegsaday.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka ka dib ay diyaaradaha dagaalka Israel duqaymo xoogan ka gaysteen koonfurta Lubnaan.

Taliska Militariga Israel ayaa mar dambe sheegay in ay qabteen tiro ka mid ah diyaaradaha drones-ka ee Xisbullah, ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkoodii.

Taliska ayaa qoraal ku sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarka Xisbullah.

Ka dib weerarkii Xamaas ay 7-dii October ka gaysatay dhulka ay Israel maamusho, Xisbullah iyo Israel ayaa gantaalo isku weydaarsanayay xuduudda.

Kor u kaca weerarada ka socda xadka labada dhinac ayaa xoojinaya dareenka cabsida ee ku aaddan in dagaalka Gaza uu halis ku yahay inuu ku fido gobolka. Dad badan ayaana ka cabsi qaba in isku dhaca uu sii xumaado.

Xiisadda Xisbullah iyo Israel ayaa si weyn looga dareemay xadka, iyadoo ayna ku barakaceen tobanaan kun oo qof, labada dhinac ee xadka.

Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee ku sugan aagga khadka buluugga ee xuduudda ayaa walaac ka muujiyay rabshadaha sii kordhaya.

“Waxaan aragnay weeraro badan oo qoto dheer dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, taas oo ah is bedel walaac leh.” Ayay tiri Kandice Ardiel, oo ah Afhayeenka UNIFIL, Ciidamada Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobey ee Lubnaan.

Khadka buluugga ah waa xariiqa kala qaybiya Lubnaan, Israel iyo Buuraha Golan ee Suuriya laga haysto, waana xariiq ay Qaramada Midoobey sanadkii 2000 ka sameysay halkaasi, ujeedaduna ay ahayd xaqiijinta ka bixitaanka Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnaan.

Israel ayaa 1-dii bishi October ee sanadkii 2006-dii ciidamadeeda kala baxday koonfurta Lubnaan, ka dib dagaalkii 33-ka maalmood socday ee bartamihii sanadkaasi la gashay Xisbullah.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc