Home Wararka Maanta Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Moqokori

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Moqokori

by Laacib

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay caawa ku hooyanayaan Degmada Moqokori ee bariga gobolkaasi, ka dib dagaalkii cuslaa ee ay maanta kula wareegeen gacan ku haynteeda.

Shabaabka ayaa weerar qaraxyo bilowday ku qaaday fariisimaha ay ciidamadu ku leeyihiin duleedka degmadaasi, taas oo keentay in dagaalku uu ku soo fido gudaha degmada.

Dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ka dib, Shabaabka ayay u suurtagashay in ay si buuxda gacanta ugu dhigaan xarumaha maamulka ee degmadaasi.

Xaaladda degmada ayaa caawa u muuqato mid degan, iyadoo Ciidankii Xoogga Dalka iyo kuwii Difaaca Shacabka ee horey u joogay ay haatan dibadjoog ka yihiin degmadaasi.

Gudoomiyaha Degmada Moqokori, Maxamed Cabdi Macow ayaa xaqiijiyay in maleeshiyada Shabaabku ay caawa iyagu haystaan degmadiisa, ayna isku diyaarinayaan, sidii ay dib uga la wareegi lahaayeen, laakiin ma sheegin goorta ay dib u qabsan doonaan.

Gudoomiyaha ayaa qiray in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo ciidamada ka soo gaaray dagaalka, isla-markaana uu jiro Sarkaal Hay’adda Nabad Sugidda ka tirsan oo lagu waayay dagaalkan. Gudoomiyaha ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegay Cabdi Xiish.

Gudoomiye Macow oo la hadlay Radio KNN ayaa Dowladda Federaalka ku dhaliilay in taageeradii loo baahneyn aysan ku bixineynin dagaalka ay reer Hiiraan kula jiraan kooxaha argagixisada.

Dagaalkii maanta ayaa inta badan dadka reer Moqokori ku riixay in ay ka barakacaan guryahooda, cabsi ay ka qabaan in Al Shabaab ay bartilmaameedsato.

Weerarka ayaa noqonaya kiisii ugu horreyay ee ceynkiisa ah ee ay Al Shabaab ku soo hujuumto Degmada Moqokori, tan iyo markii maleeshiyada laga saaray degmadaasi, ku dhawaad saddex sano ka hor.

Boqolaal nin oo Shabaab ah ayaa Isniintan weerar aad mooddo mid si weyn loo soo qorsheeyay ku ekeeyay degmadaasi, inkastoo markii ay maamulkeeda la wareegeen in yar oo ka mid ah mooyee ay intii kale difaac ka xirteen duleedyadeeda.

Qabsashada Al Shabaab ee Moqokori ayaa kicisay dareenka shacabka Soomaaliyeed, waxayna noqotay waxa dalka loogu hadal haynta badan yahay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Difaaca Shacabka ayaa 25-kii bishii September ee sanadkii 2022 la wareegay gacanta ku haynta degmadan, weerarkii maantana wuxuu ahaa isku daygii ugu weynaa ee ay Shabaabku ku soo beegsato degmadaasi.

Shabaabka ayaa istiraatiijiyad dagaal ka lahaa qabsashadooda Moqokori, si ay u helaan marin ay ku gaari karaan bariga Gobolka Galgaduud ee Galmudug.

Maleeshiyada Shabaabka ayaa labadii bilood ee u dambeysay culeys gaar ahi ku hayay degmadan, ka dib markii maleeshiyadoodii qabsatay deegaanka Yasooman oo hoostaga Magaalada Buuloburde ay ku fashilmeen in ay furtaan waddada Yasooman ku xiriirisa Degmooyinka Moqokori iyo Maxaas ee tagta bariga Gobolka Galgaduud.

Al Shabaab ayaa juhdi badani ku bixisay in ay si dhakhsa ah ula wareegto Moqokori, oo ay u arkeysay mid isku xiri karto maleeshiyadeeda Hirshabelle iyo Galmudug, ka hor inta aan laga saarin Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Saraakiisha amniga ayaa laga soo xigtay in haddii aan si dhakhsa ah dib loola wareegin Moqokori ay xitaa mustaqbalka adkaan doonto in Al Shabaab laga saaro Degmada Aadan Yabaal, marka aad fiiriso in gurmad xoog lihi ay ka heli karaan deegaanada Dac, Wabxo iyo Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Haddii ciidamada ay maalmaha dhow dib ugu laabtaan Moqokori ayaa waxay ka hortageysaa in Shabaabka bariga Gobolka Shabellaha Dhexe ay u gudbaan dhinaca Gobolka Galgaduud, kuwooda Ceelbuur ku sugana ay u soo tallaabaan Aadan Yabaal.

Tani ayaa soo nooleynaysa fursaddii la dayacay ee ay Ciidamada Dowladda iyo Macawiisleyda dib ugu la wareegi lahaayeen Aadan Yabaal, keliya haddii laga xiro gurmadka uga imanaya dhanka Degmada Alkowsar iyo deegaanada hoostaga ee Gobolka Shabellaha Dhexe, oo ah isha ugu weyn ee illaa iyo hadda uu gurmadka si nabdoon ugu soo mari karo, maadaama aysan weli Shabaabku si fiican u saldhiganin Moqokori.

Moqokori iyo Aadan Yabaal waa laba magaalo oo deris ah, kuna yaala xadka ay wadaagaan labada gobol ee Hirshabelle (Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe).

Sababta ay Shabaabku ugu degdeggeen la wareegitaanka Moqokori waa inay fahamsan yihiin in joogitaankooda Aadan Yabaal ee mustaqbalka uu ciriiri ku jiro.

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Dowladda Dhexe uu ugu baaqayo sida uu yiri inaan fursad loo siin argagixisada isku dayadooda argagax gelinta bulshada iyo dib u qabsashada deegaanadii horey looga xoreeyay

“Ciidamada Xoogga Soomaaliyeed iyo Xoogaga Difaaca Shacabka waxay mudan yihiin garab istaag dhab ah, waxaana Dowladda Dhexe ugu baaqayaa inaan fursad loo siin argagixisada isku dayadooda argagax gelinta bulshada iyo dib u qabsashada deegaanada horey looga xoreeyay.” Ayuu yiri Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Raysal Wasaarihii hore ee Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa waxa uu Dowladda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay la timaado qorshe wax looga bedelayo xaaladda dagaalka iyo habaca ku yimid hawlgaladii lagu la dagaalamayay Al Shabaab.

“Waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqayaa in ay la yimaadaan qorshe wax looga bedelayo xaaladda dagaalka iyo habaca ku yimid howlihii la dagaalanka khawaarijta. Dowladdu waa in ay mudnaanta koowaad ka dhigataa la dagaalanka argagixisada, halkii ay ku mashquuli lahayd arrimo kale oo siyaasad ahaan loo xallin karo.” Ayuu yiri Rooble oo warkan ku sheegay qoraal uu caawa soo dhigay bartiisa xiriirka bulshada ee Facebook.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc