Boqolaal nin oo Macawiisley u badan kuwo reer miyi ah ayaa maalmihii u dambeeyay gaaray Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, si ay qayb uga noqdaan dagaalka ay beesha bariga gobolkaasi kula jirto maleeshiyada Al Shabaab.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Macawiisleydan aysan ahayn kuwa u diiwaan-gishan Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA) ee ciidamada ka taageeraya la dagaalanka Al Shabaab.
Militariga Somaliya ayaa in muddo ahba mushaar iyo gunno siinayay dhowr kun oo Macawiisley ah, oo horey looga qoray deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug, inkastoo aysan si joogta ah u qaadan.
Macawiisleydan cusub ayaa ku aragti ah beesha bariga gobolkaasi, oo gebi ahaanba diiday in ay isu dhiibto maleeshiyada Al Shabaab, waana beesha keliya ee illaa iyo hadda la ogyahay in sanado xiriir ah ay la dagaalameysay maleeshiyadaasi.
Xoogagan ayaa la sheegaya in ay ka soo horjeedaan in Shabaabku ay ku dhawaad saddex sano ka dib ku soo laabtaan Degmada Moqokori, isla-markaana ay reerahoodii uga soo taggeen difaaca gobolka.
Masuuliyiinta gobolka ayaa laga soo xigtay in xoogagan ay diyaar u yihiin in ay ka jawaabaan baaqii Khamiistii ka soo yeeray Cali Jeyte Cismaan, U Qaybsanaha Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Shacabka, ee ahaa in beeshu ay tahay in ay iska difaacdo Al Shabaab amaba in la qabsado, laakiin ay ku andacoodeen in qoryahoodii ay u soo dhaafeen qoysaskii ay ka yimaadeen.
Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Degmada Maxaas ayaa la sheegay in Jimcihii iyo Sabtidii ay hub iyo rasaas ka codsadeen Taliska Ciidanka Xoogga Dalka iyo Madaxda Wasaaradda Gaashaandhiga ee ku sugan Magaalada Muqdisho, haddii uu socdo diyaargarow ku aaddan in la xoreeyo Moqokori.
Saraakiisha ayaa ku tala-jira in hubka wax laga siiyo Macawiisleydan, kuwooda ay odayaasha beesha ku taliyaan in lagu kalsoonaan karo.
Cali Jeyte ayaa Talaadadii muddo ka dib ku laabtay Degmada Maxaas, isagoo haysta taageerada Madaxda Qaranka, si uu u diyaariyo ciidan xoog leh oo Macawiisley ah oo qayb ka noqda dib u xoreynta Degmada Moqokori.
Jeyte ayaa ah ninkii sanadkii 2022 indhaha Dowladda Federaalka ku soo jeediyay in Macawiisleydu ay Ciidanka Xoogga Dalka ka caawin karaan in la wiiqo awoodda militari ee Al Shabaab.
Macawiisleyda oo loogu magac-daray (Ciidanka Difaaca Shacabka) ayaa la tilmaamaa in ay ku wanaagsan yihiin la dagaalanka Al Shabaab, waxayna Dowladda Federaalka ay wejigii koowaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka ay bilowday inay hubeyso.
Hawlgalkan oo daba-yaaqadii sanadkii 2022 iyo sanadkii 2023 laga sameeyay deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug ayaa laga bartay in marka ay wada hawlgalayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Macawiisleyda uu ka khasaare yar yahay dagaalkii ay Ciidanka Xoogga Dalka muddada dheer kula jireen maleeshiyada Shabaabka.
Macawiisleyda ayaa ah maleeshiyaad qabaa’il, waana dadkii deegaanka oo geed geed u garanaya dhulka lagu la dagaalamayo Shabaabka.