Wararka ka imanaya Hirshabelle ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay isku dayayaan in ay sii wadaan jidka ay ka furanayaan xuduudda Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe, waana xilli dhawaan ay furteen meelo ka mid ah xuduudda goboladaasi.
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyadaasi ay dhaqdhaqaaq ka waddo jidka Jayga ee Degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabellaha Dhexe, isla-markaana ay qorsheynayaan in ay ka ag-dhawaadaan deegaanka Qoryaale oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.
Xoogaga Macawiisleyda ayaa difaac kaga jira duleedka deegaankan, waana deegaanka Qoryaale oo dhaca mid ka mid ah waddooyinka la isaga gudbo ee Gobolada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.
Sidoo kale waxaa jira dareen laga qabo suurtagalnimada in Shabaabku ay weerari karaan deegaanka kale ee xadka ku yaala ee Xalfooley. Xalfooley waxay qayb ka tahay deegaanada kala qaybiya labada gobol ee Hirshabelle.
Deegaankan oo hoostaga Degmada Jalalaqsi ayaa muhiim u ah amniga degmadaasi, waxaana si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Difaaca Shacabka ee loo abaabulay inay la dagaalamaan Al Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Macawiisleyda ay wadaan dhaqdhaqaaq ay ku xoojinayaan difaacooda deegaanadaasi, si aysan Shabaabku cagta u soo dhigin meelo ka mid ah deegaanadaasi.
Xildhibaan Maalik Ibraahim Cabdalla oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, lagana soo doorto Jalalaqsi oo bishii March booqday ciidamada ku sugan Qoryaale iyo Xalfooley ayaa ku booriyay in ay iska difaacaan kooxaha argagixisada, xilligaas oo Shabaabku ay culeys gaar ahi ku hayeen bariga Gobolka Shabellaha Dhexe.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal iyo Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo isla bishaasi booqday ciidamada halkaasi degan ayaa gaarsiiyay hub iyo rasaas ay kaga hortaggaan duulaanka Al Shabaab.
Ciidamadan ayaa waxay xilligaasi ku guuleysteen in ay si gacan bir ah ku qabtaan amniga goobaha ay kaga sugan yihiin xuduudda ballaaran ee goboladaasi, Shabaabkuna kumaba dhiiran inay u soo dhaqaaqaan dhanka Xalfooley iyo Qoryaale.
Hadda xaaladdu waxay u muuqataa mid ka duwan sidii hore, haddii mintidiinta Al Shabaab aysan cadaadis militari kala kulmeynin Gobolka Shabellaha Dhexe, isla-markaana ay iyagii culeys ku hayaan Gobolka Hiiraan.
Masuuliyiinta Degmada Jalalaqsi iyo Hoggaanka Macawiisleyda ayaa laga soo xigtay in aysan cabsi badan ka qabin in kooxaha argagixisada ay la wareegi karaan deegaanadaasi, walow uu jiro dareen ku aaddan in ay soo weerari karaan.
Tani ayaa waxay imaneysaa, iyadoo Shabaabku ay Axaddii la wareegeen deegaanka Tardo oo hoostaga Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, isla-markaana 45km u jira Degmada Jalalaqsi. Tardo ayaa ku taala goob istiraatiiji ah oo isku xirto Moqokori, Buuloburde, Jalalaqsi iyo Maxaas.
Shabaabka ayaa sidoo kale deegaankan oo isku xiro Maxaas iyo Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabellaha Dhexe u soo beegsaday muhiimadda uu u leeyahay isu socodka goboladaasi.