Home Wararka Caalamka Ficilada Trump ee Iran oo abuuray dhibaato caalami ah

Ficilada Trump ee Iran oo abuuray dhibaato caalami ah

by Laacib

Xiisadda dib u soo laba kacleysay ee u dhaxeyso Mareykanka iyo Iran ayaa dunida ku riixday sicir barar hor leh, iyadoona uu jiro walaac caalami ah oo laga muujinayo in dagaal kale uu ku dhex maro Gobolka Bariga Dhexe.

Xiisadda labada dal ayaa cirka isku shareertay, ka dib wada hadaladii aan wax horumarka ah laga gaarin ee ay ku yeesheen dalkaasi Pakistan, taasoo soo dedejisay in Madaxweyne Donald Trump uu Axaddii amar ku bixiyo in la xanibo Dekedaha Iran, si looga hortago saliidda ay Tehran dhoofiso.

Amarkan ayaa horseeday in uu sii kordho xiisadda siyaasadeed ee labada dal, wuxuuna sidoo kale uu si dhakhsa ah u saameeyay sahayda tamarta adduunka iyo sicirka saliidda ee suuqyada caalamka oo sii qaaliyoobaya.

Qiimaha saliidda amaba boodboodka sicirka sahayda tamarta ayaa naxdin kale ku ah dhaqaalaha caalamka, oo intii uu dagaalku socdayba ay suuqyada ka jireen xasillooni darro dhaqaale. Xasaraddan dhaqaale ayaa u sabab ah hoos u dhaca weyn ee ku yimid saliiddii laga keenayay Bariga Dhexe.

Taliska Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ku hanjabay inay ka aargudan doonaan cunaqabateynta Mareykanka ee ka dhanka ah wax soosaarka dalkaasi, waana xilli Tehran ay weli galaangal u leedahay inay carqaladeyso maraakiibta maraya Marinka Hormuz. Iraaniyiinta ayaa ka digaya in ay iyaguna ka hortagi doonaan saliidda laga qaado Dekedaha Gacanka Khaliijka, iyaga oo aan maraakiibta shixnadaha saliidda u ogolaan doonin inay ka gudbaan marin biyoodka Hormuz.

Tani ayaa waxay qalqal kaloo dhaqaale ka abuureysaa suuqyada caalamka, oo muddo bil iyo bar ah ay ka jirtay xasillooni darro dhaqaale, ka dib hubinti la’aanta soo food saartay sahayda tamarta adduunka, kana dhashay duulaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ay 28-kii bishii February ku qaadeen dalkaasi Iran.

Xiisadda sii kordheysa ee Washington iyo Tehran ayaa saamaynta ugu horreysa ku yeelaneysa Marinka Hormuz, kaas oo muhiim u ah sahayda tamarta adduunka iyo deganaanshaha dhaqaalaha ee suuqyada caalamiga ah. Hormuz ayaa tiir weyn u ah xasilloonida dhaqaalaha adduunka iyo in la maareeyo dhibaatada wax kala iibsiga.

Siyaasadaha Madaxweynaha Mareykanka ee fara-gelinta dibadda ayaa keenaya sicir bararka baahsan ee laga dareemay dunida oo dhan.

Shidaalka iyo gaaska ayaan looga maarmi karin wax soosaarka warshadaha iyo in uu ganacsiga isaga kala gudbo dalalka iyo qaaradaha. Shidaalka oo la waayo amaba hoos uga dhaco intii la heli jiray ee tobanaan sano ka hor lagu jaangooyay qiimaha iyo sicirka wax kala iibsashada ayaa dhaawacaya dhaqaalaha dalalka.

Sii xirnaanshaha Marinka Hormuz ayaan siyaasad ahaan u wanaagsaneyn Madaxweyne Trump, marka aad eegto in uu ku keenayo cadaadis siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc