Wararka ka imanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in maleeshiyada Al Shabaab ay ku soo laabteen waddada laamiga ee xiriirisa Magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba ee gobolkaasi, taas oo toddobaadyo ka hor dib looga riixay.
Tani ayaa timid, ka dib markii Dowladda Federaalka ay ciidamadii bishii March la wareegay gacan ku haynta Magaalada Baydhabo ay dhammaadkii toddobaadka qaarkood u daabushay dhinaca Magaalada Jowhar.
Ciidamadan oo lagu abaabulay Magaalada Muqdisho ayaa iyagoo gacan ka helaya ciidamo dadka deegaanka ah, laguna diyaariyay Buurhakaba ay hawlgal waddo furis ah ka sameeyeen waddada isku xirto Buurhakaba iyo Baydhabo, ka hor inta aysan 30-kii March gudaha u gelin Xarunta Gobolka Baay ee Baydhabo.
Ciidamadan oo ay qayb ka ahaayeen Kumaandooska Gorgor, isla-markaana ay taageerayeen drones-ka Turkiga ayaa cagta mariyay maleeshiyaadkii Shabaabka ee ku sugnaa waddadan, gaar ahaan deegaanka Mooda-moode oo saldhiggooda ugu weyn ay xilligaasi ku lahaayeen. Mooda-moode ayaa ku dhow deegaanka Deynuunaay oo 26km jihada bari uga beegan Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ay soo celiyeen bartii kontorool ee gaadiidka dadweynaha ay ku canshuurayeen ee Mooda-moode, iyadoo dadka ku safraya waddadaasi ay ku sheegayaan in Shabaabku ay haatan sidoodii hore u joogaan deegaankaasi.
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaybta 60aad ee Xoogga Dalka ayaa ku sugan xerada militari ee Deynuunaay, kuwaas oo aan u diyaarsaneyn inay ka hortaggaan khatarta Shabaabka ku sugan Mooda-moode. Ciidamada ayaa markii horeba joogay xeradan, iyadoo Shabaabka ay maamulaan deegaanka Mooda-moode.
Ku soo laabashada Shabaabka ee waddadan ayaa carqaladeynaysa isu socodka saraakiisha iyo masuuliyiinta ee dhinaca dhulka, waxayna tani ku soo aadeysaa, xilli deegaanada Koonfur Galbeed looga diyaargaroobayo doorashada toddobaadka soo socda laga qabanayo saddexda gobol ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Baydhabo iyo Buurhakaba oo isku jira qiyaastii 66km ayaa ka mid ah laba iyo tobanka magaalo ee Koonfur Galbeed ee 28-ka bishan lagu wado inay ka qabsoomto doorashada tooska ah.
Dadka reer Koonfur Galbeed ayaa safaf u geli doona goobaha codbixinta, si ay u soo doortaan xubnaha ku metelaya Goleyaasha Deegaanka iyo Baarlamaanka Koonfur Galbeed.