Home Wararka Caalamka Madaxweyne Trump oo kordhiyay xabad joojinta Iran

Madaxweyne Trump oo kordhiyay xabad joojinta Iran

by Laacib

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in Mareykanka uu kordhinayo xabad joojinta Iran, illaa ay Tehran ka soo gudbineyso hindise laga wada hadlo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Taliyaha Ciidamada Qalabka Sida ee Pakistan, Field Marshal Asim Munir iyo Raysal Wasaare Shehbaz Sharif ay Mareykanka weydiisteen inuu dib u dhigo weerarada ay ku qaadayaan Iran, illaa iyo inta madaxdooda iyo wakiiladooda ay la imaan karaan sida uu yiri hindise mideysan.

Madaxweyne Trump ayaa dhanka kale sheegay inaysan waxba iska bedeli doonin go’doominta uu Mareykanka ku hayo Dekedaha Iran, sida uu ku sheegay qoraal uu ku daabacay bartiisa Truth Social.

Trump ayaa ciidamada faray inay sii wadaan go’doomintaasi, dhinac walbana ay diyaar ahaadaan.

Ma cadda, sida Saraakiisha Iran ay miiska wada hadalka ugu soo laaban karaan, inta ay sii socoto go’doominta joogtada ee ka dhanka ah dekedaha dalkaasi. Iraaniyiinta ayaa maalmahaanba dalbanayay in la qaado xayiraadda dekedaha, haddii la doonayo inay wafdi u diraan Magaalada Islamabad.

Dhanka kale Raysal Wasaaraha Pakistan, Shehbaz Sharif ayaa Trump uga mahadceliyay kordhintiisa muddada xabad joojinta.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Field Marshal Syed Asim Munir, waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne Trump inuu si sharaf leh u aqbalay codsigeenna ahaa in la kordhiyo xabad joojinta, si loogu ogolaado dadaalada diblomaasiyadeed ee socda inay qaataan koorsadooda.” Ayuu yiri Raysal Wasaaraha Pakistan oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in Pakistan ay sii wadi doonto dadaalkeeda ku aaddan in dhinacyadu ay heshiis gaaraan, isagoona Tehran iyo Washington ku booriyay inay ilaaliyaan xabad joojinta, isla-markaana ay ka wada shaqeeyaan, sidii loo heli lahaa heshiis nabadeed oo lagu soo afjarayo colaadda.

Masuuliyiinta Pakistan ayaan ka daalin inay sii jirto xabad joojinta nugul ee Bariga Dhexe, iyadoo xabad joojintii labada toddobaad ee u dhaxeysay Mareykanka iyo Iran ay dhamaaneysay Arbacadan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc