Home Wararka Maanta Guddiga Doorashooyinka oo dib u dhigay Doorashada Koonfur Galbeed

Guddiga Doorashooyinka oo dib u dhigay Doorashada Koonfur Galbeed

by Laacib

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa caawa sheegay inay dib u dhigeen Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ka dib codsi uga yimid Ururada Siyaasadda oo guddigu uu sheegay inay 23-kii bishan codsadeen in la kordhiyo muddada lagu soo gudbin karo liiska musharaxiinta oo ku ekeyd Sabtidii oo 25-ka bisha ahayd.

Guddiga Doorashooyinka oo cusbooneysiiyay muddada kama dambeysta ee lagu soo gudbin karo magacyada musharaxiinta ayaa ka dhigay 5-ta bisha soo socota ee May.

Tani ayaa waxay dib u dhigeysaa Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo tan Goleyaasha Deegaanka, oo horey loo muddeeyay in 28-ka bishan la qabto.

Guddiga ayaa warsaxaafadeed ku sheegay in doorashada la qaban doono maalinta Axadda ee 10-ka bisha May.

Doorashada tooska ah ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in laga qabto 13 degmo oo saddexda gobol ee Koonfur Galbeed ah.

Horaan waxa uu qorshuhu ahaa inay doorashadu ka dhacdo 12 degmo, waxaase dib lagaga soo biiriyay Degmada Awdheegle. Degmooyinkan oo ka kala tirsan Gobolada Shabellaha Hoose, Baay iyo Bakool ayaa kala ah Baraawe, Marka, Afgooye, Awdheegle, Wanlaweyn, Buurhakaba, Baydhabo, Berdaale, Diinsoor, Qansaxdheere, Xudur, Waajid iyo Ceelbarde.

Doorashadan ayaa loogu talagalay in hal maalin lagu qabto, iyadoo dadweynuhu ay codkooda ku soo dooran doonaan xubnihii ku meteli lahaa dowladnimada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc