Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynihii hore ee dalka oo wareysi dheer siiyay channel-ka barraha bulshada ee Horufadhi Media ayaa horudhaca wareysiga oo la sii daayay ku weeraray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ex Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in xilligii uu xafiiska la wareegayay uu Madaxweyne Xasan Sheekh uga tegey ciidan uu mooralkoodu hooseeyo, wax mushaar ahna aan qaadan.
“Waxaan ka dhaxlay Xasan Sheekh ciidan aan mooral lahayn oo mooralkoodu uu hooseeyo, mushaar aan qaadan oo la leeyahay boqol dollar qaata ama ka taga.” Ayuu yiri Farmaajo oo intaa raaciyay “Hal sanduuq oo rasaas ah iigama tegin Xasan Sheekh.”
Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhalleeceeyay “Siyaasad arrimo dibadeedna waxba kama yaqaano, siyaasad arrimo gudadeedna waxba kama yaqaano.”
Farmaajo oo soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Madaxweyneyaashii hore ee dalka oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku jiro, intii uu xafiiska joogay ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage uu hoggaaminayay weerarkaasi, isagoona isweydiiyay, haddiiba General Odawaa uu halis geliyay naftooda, sababta uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka dib ugu soo magacaabay Taliyaha.
Wuxuu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isagu isugu filan yahay mucaarad, isagoo eegaya is gefka hadaladiisa shalay iyo maanta.
“Ceeb ka weyn ma jirto qof weyn oo masuul ah oo da’daas ahoo oo sheegta inuu PHD yahay, haddana shalay iyo maanta la iska horkeenayo oo aad is leedahay war isagaaba mucaarad isugu filanba, maxaad ka mucaaradeysaaba.” Ayuu yiri Farmaajo.
Dhanka kale Farmaajo ayaa sheegay in muddadii uu xafiiska joogay ay wada hadalada Somaliland gaarsiiyeen meel sare, illaa heer uu Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ogolaaday in uu soo celiyo Somaliland.
Farmaajo ayaa tilmaamay in wada hadal dhex maray isaga iyo Madaxweynihii hore ee Somaliland oo uu garwadeen ka ahaa Raysal Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu Muuse Biixi aqbalay inuu ku wareejiyo xilka madaxtinimada Somaliya.
“Si toos ah ayuu u aqbalay, Abiy-na waa na dhageysanayay. Wuu aqbalay, waa yahay ayuu yiri, howshaas waa qaatay.” Ayuu yiri Famaajo oo inta aanu hadalka dhameystiran codkiisa la jaray.
Waa weerarkii ugu adkaa ee Farmaajo uu ku qaado Madaxweyne Xasan Sheekh, tan iyo intii uu dalka dib ugu soo laabtay, 13-kii bishii November.
Farmaajo ayaa ka soo horjeedo hannaanka ay Dowladda Federaalka u maamuleyso doorashooyinka dalka, iyadoo uu is mar-waa ka taagan yahay nooca doorasho ee ay tahay in dalka laga qabto.