Home Wararka Caalamka Dagaalka Israel iyo Xisbullah oo sii xoogeysanaya

Dagaalka Israel iyo Xisbullah oo sii xoogeysanaya

by Laacib

Dagaalka Ciidamada Israel iyo Xoogaga Xisbullah ayaa sii xoogeysanaya, inkastoo ay jirto xabad joojin muddo 10 maalmood ah oo la dhaqangeliyay 17-kii bishan, isla-markaana uu Madaxweyne Donald Trump uu 23-kii April ku dhawaaqay in lagu kordhiyay saddex toddobaad.

Militariga Israel ayaa saacado ka dib markii la dhaqangeliyay heshiiska xabad joojinta ku xadgudbay, iyagoo garaacay kaabeyaasha Ururka Xisbullah ee Koonfurta Lubnaan. Militariga Israel ayaa sheegay in heshiisku aanu ka reebeyn inay weeraraan meelaha ay khatarta u arkaan, taas oo ka carreysiisay Xisbullah, sheegtayna inaanay aqbali karin weerarada Israel ee iska socda, iyadoo ay xabad joojin jirto.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa kordhayay weerarada Israel iyo Xisbullah, iyadoo xabad joojinta sii xumaaneysa ay ku guuldareysatay inay joojiso dagaalka u dhaxeeya labada dhinac.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii Taliska Militariga faray in si xoog badan loo garaaco dhulka ay Xoogaga Xisbullah ka joogaan deegaanada saaran xuduudda Koonfurta Lubnaan, ka dib markii uu sheegay in gantaalaha iyo drones-ka ay haystaan ay halis dhab ah ku yihiin amniga Israel.

Netanyahu ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada Xoogaga Xisbullah ay weeraradooda u adeegsanayaan ay khatar ku yihiin Waqooyiga Israel, wuxuuna ku hanjabay weeraro dheeraad ah oo sida uu sheegay ka dhan ah kaabeyaashooda.

“Waxay haystaan qiyaastii 10% gantaaladii ay haysteen bilowgii dagaalka, balse kuwaan ayaa weli dhibaya dadka degan Waqooyiga Israel.” Ayuu yiri Netanyahu oo ku goodiyay in ay gudaha Lubnaan ka samayn doonaan goob laga ilaaliyo amniga Israel.

Taliska Militariga Israel ayaa maanta soo saaray amaro cusub oo ku wajahan Koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay sheegeen in laga fulin doono duqaymo ballaaran. Taliska ayaa amray in ay dadka shacabka ah ka guuraan 16 deegaan, waxaana xigay duqaymo is daba joog ah oo diyaaradaha Israel ay ka gaysteen.

Xoogaga Xisbullah ayaa Talaadadan diyaarado drones ah ku weeraray dhulka ay Ciidamada Israel ka qabsadeen xuduudda koonfureed ee Lubnaan. Xisbullah ayaa bayaan ku sheegtay in duqaymahan ay ku dhaawacmeen dhowr askari oo Israel ah, inkastoo militarigu aanu weli wax war ah ka soo saarin. Axaddii, militariga ayaa xaqiijiyay in hal askari lagu dilay, lix kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay fuliyeen diyaaradaha Xisbullah.

Xisbullah ayaa sheegtay in weeraradii ugu dambeeyay ee maanta ay ahaayeen jawaab sharci ah oo ku aaddan xadgudubyada joogtada ah ay Israel ku sameynayso heshiiska xabad joojinta.

Dabka ka dhex socdo labada dhinac ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu hakad ku yimid dadaaladii diblomaasiyadda caalamiga ee lagu dhexdhexaadinayay Mareykanka iyo Iran, si loo soo afjaro colaadda Bariga Dhexe.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc