Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo martiqaaday Golaha Mustaqbalka Somaliya inay ka soo qaybgalaan kulan qabsoomi doona 10-ka bishan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wadatashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyay la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qaybgalka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026.” Ayaa lagu yiri warsaxaafadeed gelinkii dambe ee maanta ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Warsaxaaafdeedka ayaa lagu yiri “Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo masuuliyad leh looga wada hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Somaliya.”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warsaxaafadeedka lagu sheegay inuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu tanaasul, si ay wada hadaladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya wuxuu mar kale adkaynayaa in Dowladda Federaalka Somaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo Dowladnimada Somaliya.” Ayaa lagu soo geba-gabeeyay warsaxaafadeedka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu muddo xileedkiisu ku egyahay 15-ka bishan, iyadoo aan weli wax heshiis ah laga gaarin nooca doorasho ee dalka laga qabanayo.
Si kastaba ha-ahaatee Golaha Mustaqbalka Somaliya ee Madaxweynuhu uu kulanka ugu yeeray ayaa ah gole ay ku mideysan yihiin Siyaasiyiinta Mucaaradka ee Madasha Samatabixinta, Puntland iyo Jubbaland.
Waa markii labaad oo Madaxweynuhu uu ku baaqo kulan wadatashi oo ay yeeshaan labada dhinac, ka dib wada hadaladii bishii February ee natiijada la’aanta ku soo dhamaaday.