Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa sheegay inuu Madaxweyne Masoud Pezeshkian kala hadlay xiisadda aadka u sarreyso ee ka jirta Marinka Hormuz iyo walaacooda ku aaddan hubinti la’aanta isu socodka maraakiibta ganacsiga ee marinkaasi.
Madaxweynaha Faransiiska ayaa caawa sheegay in uu wada hadalo dheeraad ah la yeeshay dhiggiisa Iran, kaas oo Macron uu dib ugu xaqiijiyay muhiimadda ay leedahay in maraakiibta ay si xor ah ku maraan marinka muhiimka u ah shixnadaha saliidda.
Waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha Iran ku dhiirigeliyay in uu eego qorsheyaasha ay wadaan Faransiiska iyo Ingiriiska, si ay u riixaan soo jeedin caalami ah oo maraakiibta ay kaga gudbiyaan marinka ku yaala afka Gacanka Faaris.
Macron ayaa tilmaamay in qorshaha miiska saaran uu keenayo in maraakiibta ay si badbaado leh ku maraan Marinka Hormuz.
“Waxaan ku casuumay Madaxweynaha Iran inuu ka faa’iideysto fursaddan, waxaana doonayaa inaan mowduuca kala hadlo Madaxweyne Trump.” Ayuu yiri Macron.
Macron ayaa intaasi ku daray “Dhammaan dhinacyada waa in ay qaadaan xannibaadda marin biyoodka, iyadoo aan la daahin iyo weliba si shuruud la’aan ah. Waa in aan si waarta ugu soo laabanaa nidaamkii xorriyadda socdaalka buuxa ee ka jiray, iska horimaadka ka hor.”
Intii uu socday wada hadal khadka teleefoonka ah, Pezeshkian ayaa dhankiisa sheegay in Iran iyada oo ku jirta qaab dhismeedka sharciyada caalamiga ah ay diyaar u tahay in ay si dhab ah u raadiso waddooyin diblomaasiyadeed, si loo soo afjaro dagaalka iyo xaqiijinta xuquuqda dadka Iran, sida ay sheegtay Warbaahinta Dowladda Iran.
“Madaxweynuhu waxa uu ula jeedaa kalsoonida Iran ee Mareykanka, waxaana uu sheegay in tani ay sabab u tahay ficilada cadowtinimada ee dhinaca Mareykanka, kaas oo soo weeraray dalkeenna laba jeer, iyadoo wada hadal lagu la jiro.” Ayaa lagu yiri warka Warbaahinta Iran.
Militariga Iran oo ka falcelinaya duulaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Israel ee dhammaadkii bishii February ku qaadeen dalkaasi ayaa xanibay isu socodka maraakiibta shidaalka ee Hormuz.
Xiisadda marin biyoodka Hormuz ayaa Isniintii gaartay meeshii ugu sarreysay, ka dib markii Militariga Mareykanka ay sheegeen in ay marin biyoodkaasi ka bilaabeen hawlgal ay kaga gudbinayaan maraakiibta ganacsiga ee ku xaniban.