Home Wararka Maanta Ciidamada Dowladda ee ku sugan waqooyiga Baydhabo oo weerar la kulmay

Ciidamada Dowladda ee ku sugan waqooyiga Baydhabo oo weerar la kulmay

by Laacib

Ciidamo u badan Daraawiishta Koonfur Galbeed, isla-markaana taageersan Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa caawa weerar ku qaaday kontorool ay Ciidamada Militariga Somaliya ku leeyihiin duleedka waqooyi ee Magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Daraawiishta oo garabsanaya maleeshiyaad dadka deegaanka ah ay dagaal la galeen Ciidanka Xoogga Dalka iyo Polizia Militare.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamada weerarka soo qaaday ay qaarkood u suurtagashay inay jid furtaan, isla-markaana ay soo gaareen aagga Ban-qiyaamo iyo Xanaano 2 ee waqooyiga magaalada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Saraakiisha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ay si dhakhsa ah u abaabuleen ciidamo gurmad ah, isla-markaana ay dib magaalada afkeeda hore uga riixeen ciidamada taabacsan Laftagareen.

Saraakiisha Militariga iyo masuuliyiinta Dowladda Federaalka ee ku sugan magaalada ayaan weli ka hadlin dagaalka ka dhacay difaaca ay ciidamadu ku leeyihiin duleedka waqooyi ee Baydhabo.

Waa weerarkii saddexaad oo Ciidamada Dowladda Federaalka ku qabsada duleedyada Baydhabo, muddo laba toddobaad gudahood.

Xoogaga u daacadda ah Laftagareen ayaa 8-dii bishan bilaabay inay weeraraan kontoroolada laga soo galo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo Sabtidii shir jaraa’id ku qabtay goob aan magaceeda la sheegin, balse ka mid ah deegaanada hoostaga Baydhabo ayaa ku hanjabay inay weerarada sii wadi doonaan.

“Waxaan nahay dowlad lagu soo duulay, jiritaankeeda la baabi’iyay, dowladnimadeediina la burburiyay, cadowgii nagu soo duulay nooc kastoo uu yahayba inaan iska dhicino sharciga Koonfur Galbeed iyo Dastuurka Qaranka ayaa noo ogol, mar haddii nafteenna iyo maalkeenna duulaan lagu soo qaaday.” Ayuu yiri Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.

Sii socoshada weeraradan ayaa waxay carqaladayn karaan dadaalada ay Dowladda Federaalka ku adkeynayso amniga magaalada.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc