Wararka ka imanaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xaaladda magaaladaasi ay saaka tahay mid degan, ka dib dagaalkii xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee Baydhabo.
Ciidamo isugu jira Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan, kana soo horjeedo tallaabada ay Dowladda Federaalka awoodda uga tuurtay Madaxweynihii Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa weerar ku qaaday kontorool ay Ciidamada Militariga Somaliya ku leeyihiin cirifka waqooyi ee magaalada.
Ciidanka Xoogga Dalka iyo Polizia Militare ayaa la sheegay inay dagaal toos ah la galeen ciidamadii weerarka soo qaaday, saacado ka dibna ay xakameeyeen xaaladda goobta.
Dagaalkan ayaa hadal hayn xoog leh ka dhaliyay gudaha Baydhabo, ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamada taageersan Laftagareen ay soo gaareen afka hore ee waqooyiga magaalada.
Shacabku waxay dareemayaan in xaaladdu ay ku socoto in lagu dul dagaalamo, taas oo ku riixeysa in ay ka shalaayaan soo dhaweyntooda ku aaddan is bedelkii amni iyo siyaasadeed ee 30-kii bishii March ka dhacay magaaladaasi, markaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Baydhabo, lana riday maamulkii Laftagareen.
Waa weerarkii saddexaad oo ciidamada taabacsan Laftagareen ay ku qaadaan kontoroolada ku yaala bannaanada magaalada, muddo laba toddobaad gudahood.
Dadka reer Baydhabo ayaa walaac xoog leh ka muujinaya sii socoshada weeraradan, iyagoo og inay xaaladda ka dhigi karaan mid adag.
Reer Baydhabo ayaa welwel ka muujinaya in haddii ay sii socdaan weeraradan ay dadka iyo deegaankaba ku yeeshaan cawaaqib aan lagu sii talagelin.
Weeraradan ayay dadka deegaanka sheegayaan in ay xaalad fowdo iyo dib-u-dhac ah u horseedayaan magaalada.
Warbaahinta ayaa fahamsan in Dowladda Federaalka aanu qorshaha ugu jirin in wada hadal siyaasadeed lala furo ciidamadaasi, oo gebi ahaanba diidan in Ciidanka Kumaandooska Gorgor iyo Polizia Militare ay sii joogaan magaaladaasi.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa waxay waqti badan gelinayaan, sidii ay wax uga qaban lahaayeen xaaladda amni ee Magaalada Baydhabo, waxaase carqaladeynaya kororka weerarada.
Xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ka jira duleedyada magaaladaasi ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Koonfur Galbeed ay bartanka kaga jirto xilli kala guur siyaasadeed oo doorashana ay socoto, inkastoo doorashadaasi uu buuq hareeyay.