Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo ka carreysiisay Sheekh Soomow

Dowladda Federaalka oo ka carreysiisay Sheekh Soomow

by Laacib

Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Abuukar Soomow oo ka tirsan Golaha Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa si carro leh uga hadlay hawlgalka ay maanta Ciidamada Dowladda Federaalka ku burburiyeen difaaca hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafadda Mirinaayo ee Degmada Cabdicasiis ee waqooyiga Muqdisho.

Gurigan ayaa sidoo kale ahaa Xafiiska Golaha Sare ee Culimada Ahlu Sunna Waljameeca amaba Ahlu Sunnada Gobolka Banaadir.

Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Abuukar ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka ku eedeeyay in iyagoo maalintii saddexaad haysta gurigaasi ay maanta cagaf ku qaadeen xeendaabkii difaaca amniga ee guriga, isla-markaana ay bililiqo ka gaysteen.

“Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago sandbag-gii (shandad ciideedkii) ee xafiiska hal sano iyo lix bilood ka hor aan dhisnay, markii aan xafiiska furaynay oo dowladda wax kharash ah aysan nagu siinin oo lafaheenna aan ku ilaalinaynay, maadaama dagaalka Khawaarijta dadkii hormuudka ka ahaa aan ahayn in dowladdu ay cagaf gelisay ayaa i soo gaartay, taasoo ujeeddadoodu ay tahay in ay rabto in cadowga si sahal ah ay nagu soo gaaraan, si ay waxyeelo noo gaarsiiyaan.” Ayuu yiri Sheekh Cabdiqaadir Maxamed Abuukar oo Warbaahinta gudaha ka soo muuqday.

Wuxuu sheegay in wax kasta oo khasaare ah oo soo gaara Xafiiska Golaha Sare ee Ahlu Sunna Waljameeca ay masuuliyaddeeda qaadayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda & Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo Saraakiisha buu yiri ay amreen.

“Waxaan rabaa marka inaan u sheego ummadda Soomaaliyeed wax alla iyo wixii Xafiiska Golaha Sare ee Ahlu Sunna Waljameeca soo gaara oo khasaare ah, masuuliyaddeeda waxaa qaadaya Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Taliyaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ninka la yiraahdo Muungaab iyo Saraakiisha ay amreen.” Ayuu yiri Sheekh Cabdiqaadir Soomow.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo sanadihii u dambeeyay lala xiriirinayay culimada xiriirka dhow la leh Madaxda Dowladda Federaalka ayaa tilmaamay in xubnaha uu magacyadooda xusay uu ka dhaxeeyo khilaaf qoto dheer oo ku aaddan caqiidada.

“Waxaa naga dhaxeeya ragga aan sheegaayo iyo aniga, ka Ahlu Sunna ahaan oo aan ugu sheegayaa si cad Soomaalida iyo caalamkaba khilaaf qoto dheer oo ku saleysan caqiidada. Ragga aan la dagaalamayno ee Khawaarijta ayay ku caqiiddo yihiin, Shabaabka ayay ku caqiiddo yihiin, waa niman Wahaabiyo oo Salafiyiin ah, ujeeddadooduna ay tahay in dalka, diintiisa, dadkiisa iyo waxgaradkiisa ay baabi’iyaan.” Ayuu yiri Sheekh Soomow.

Waxa uu hadalkiisa ku xoojiyay “Macalin Mahdi waad ogtihiin Shabaabkuu ka yimid, Mahad Salaad waad ogtihiin waa Shabaab, ninka la yiraahdo Muungaab waa Shabaab, Xasan Sheekh waa nin caqiidadiisu ay Wahaabiyo tahay oo codkiisa oo duuban aan hayno, weliba isagoo amaanaya Muhammad ibn Abdul Wahhab aan hayno, wixiisa oo dhanba caqiidadaas ay ku dhisan yihiin. Dalka Somaliya khatar ayuu ku jiray, haddana khataruu ku jiraa.”

Sheekh Soomow oo sii hadlayay ayaa yiri “Caadifad diiniyan ayaa i haysa, waxaa weeye sida gaarka ah ee Xafiiska Golaha Sare loo beegsanayo.”

Sheekh Soomow ayaa Dowladda Federaalka sanadihii 2022-2024 kala shaqeeyay abaabulka illaa laba kun oo Macawiisley ah oo laga qoray Gobolada Banaadir iyo Shabellaha Dhexe, kuwaas oo Ciidanka Xoogga Dalka ka caawiyay hawlgal ay muddadaasi maleeshiyada Al Shabaab kaga kiciyeen dhul ballaaran oo dhaca bariga Gobolka Shabellaha Dhexe, inkastoo Shabaabku ay sanadkii 2025 dib u soo qabsadeen inta badan dhulkaasi, iyagoo ka faa’iideysanaya hakadka ku yimid hawlgaladii lagu la dagaalamayay.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc