Mareykanka ayaa xaqiijyay in dalkaasi laga celiyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid ahaa Garsooreyaasha Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA, isla-markaana loo xushay inay dhexdhexaadiyaan tartamada xulalka qaramada, muddada ay ciyaaruhu ka socdaan saddexda dal ee lagu kala qabanayo ee kala ah Mareykanka, Mexico iyo Canada.
Ciyaaraha Koobka Adduunka ee 2026 ayaa Khamiista ka furmaya Mexico, iyadoo kulanka ugu horreyana uu dhex mari doono Mexico iyo South Africa.
Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ee DHS ayaa Isniintii Al Jazeera u sheegtay in Garsooraha Soomaaliyeed aan la ogolaan inuu gudaha u galo dalka, ka dib markii uu Sabtidii ka degay Garoonka Diyaaradaha Miami ee Gobolka Florida.
Afhayeen u hadlay DHS ayaa sheegay in tallaabada lagu horjoogsaday ay ka dhalatay go’aan ah inaanan la aqbali karin inuu gudaha u galo dalka, sababo ku aaddan hubinta welwelka, oo macnaheedu yahay in uu caqabad ku noqon karo amniga Mareykanka.
Cumar Cartan ayaa ka mid ah 52-ka Garsoore ee FIFA, waxaana lagu waday inuu ka qaybgalo Ciyaaraha Koobka Adduunka, iyadoo Cartan uu sanadkii 2025 noqday garsooraha ugu wanaagsan ee Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF.
Cartan ayaa haystay fiisaha dal ku galka Mareykanka, ka hor inta aanu u dhoofin Miami, waxaana dib loogu celiyay Turkiga oo uu ka soo safray.
Dib u celintiisa ayaa soo jiidatay indhaha Warbaahinta caalamiga ah oo si weyn wax uga qoreysa, isagoo lagu waday inuu noqdo garsoorihii ugu horreyay ee Somaliya ka socda ee dhexdhexaadiya ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka.
Somaliya waxay ku jirtaa Liiska Xayiraadda Socdaalka ee Madaxweyne Donald Trump uu soo rogay.
Madaxweynaha ayaa daba-yaaqadii sanadkii hore bilaabay inuu si xun u bahdilo dadka Soomaaliyeed, isagoona horaantii sanadkan sii xoojiyay weerarada afka ah ee uu ku sumcadda xumeynayo Soomaalida Mareykanka.
Maamulka Trump ayaa bishii December, si aan horey loo arag Saraakiisha Socdaalka Mareykanka iyo Ilaalinta Kastamyada uga hawlgeliyay Gobolka Minnesota, kaas oo ay ku badan yihiin Soomaalida Mareykanka.
Ciidamada ICE ayaa Magaalooyinka Mataanaha ee Minneapolis iyo Saint Paul ka bilaabay olole bartilmaameed oo si gaar ahi loogu beegsanayo dadka Soomaalida, si kuwooda aan sharciga deganaanshaha haysan loo tarxiilo, ka dib markii Trump uu amar ku bixiyay in la musaafurin karo.
Trump ayaa soo galootiga Soomaalida ku tilmaamay qashin, isagoona ku andacooday inay yihiin dad aan waxba qabsan karin, balse keliya cabanaya. Trump ayaa Soomaalida Mareykanka ku dhalleeceeyay inaysan waxba ku soo kordhin dalka, aan ka ahayn inay dembiyo ka gaysanayaan, wuxuuna marar badan fagaareyaasha ka sheegay inaysan Soomaalida u dooneyn inay sii joogaan dalkaasi, iskaba dhaaf in la soo dhaweeyo kuwo cusub.