Home Wararka Maanta Militariga oo mamnuucay duugista Kanaalada Waraabka, ka dib dagaalkii duleedka Marka

Militariga oo mamnuucay duugista Kanaalada Waraabka, ka dib dagaalkii duleedka Marka

by Laacib

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta kala dhex galay laba maleeshiyo oo shalay galab illaa xalay fiidkii ku dagaalamay deegaanka Buufow (Buufow Bacaad) oo hoostaga Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Saraakiisha Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa soo saaray awaamiir lagu mamnuucayo duugista Kanaalada Waraabka ee Beeraha Garshiine ee deegaanka Buufow, taas oo dhalisay xiisad iyo iska horimaadka ka dhacay deegaankaasi.

Shaqaaqadan ayaa saamayn ku yeelatay beeraleyda deegaanka, waxaana jira dad ku dhintay iyo kuwo kale oo ku dhaawacmay, intii uu socday iska horimaadkii shalay.

Gaashaanle Cali Abuukar Caato, Taliyaha Ururka 141aad, Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka oo Warbaahinta kula hadlay Beeraha Garshiine ayaa sheegay inaanan la aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu xanibaayo kanaalada biyaha ka soo qaada Webiga Shabelle ee beeraleyda uga faa’iideysato wax soosaarka dalaga beeraha.

“Meeshaan waad u jeediin meel biyo laga celin karo ma aha, waa meelaha u baahan in biyaha la soo siiyo.” Ayuu yiri Taliyaha oo intaa raaciyay “Caqabadda ugu weyn ee shalay meeshaan ka dhacday, waxaa ka mid ahayd in la aasay kanaal biyaha keenayay oo lagu aasay baldoosar.”

Taliyaha ayaa sheegay in la baari doono, haddii beeraleydu ama dad kale ay ka dambeeyaan falka lagu duugay kanaalkii waraabka ee beerahaasi.

“Arrintaasi haddii dad beeraley ah ama dad kale ay ka dambeeyaan waa la ogaan doonnaa, laakiin wax aad looga xumaado ayay noqotay arrintaasi, annagana ma fileynin in meesha la isku xabadeynaayo oo waxaas ay ka dhici doonaan.” Ayuu tiri Taliyuhu.

Taliye Cali Caato ayaa labada dhinac ugu baaqay “Waxaan ugu baaqaynaa, gaar ahaan aniga aan leeyahay meeshaan wax la isku dilo ma yaallee wax la isla cunaa yaala, wax laga dhargaa yaala, biyahaan webiga ee Ilaahay keenay ayaa yaala, xilli roobaadaa lagu jiraa, waxaana lagu dhargi karaa, la iskuna wadaagi karaa in lagu wada noolaano oo la isla tacbado.”

Ciidamada Militariga ayaa la filayaa in ay sii joogi doonaan Beeraha Garshiine, illaa iyo inta ay nabadgelyada ka xaqiijinayaan.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc