Home Wararka Maanta Dowladda Federaalka oo ciidamo dul dhigtay hoyga Shariif Sheekh Axmed

Dowladda Federaalka oo ciidamo dul dhigtay hoyga Shariif Sheekh Axmed

by Laacib

Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laamaha amniga ee Dowladda Federaalka ay xalay ciidamo ku soo daadiyeen waddooyinka soo gala hoyga Hoggaamiyaha Mucaaradka, Shariif Sheekh Axmed ee ku yaala agagaarka waddada gasha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Wariyeyaasha ayaa soo sheegaya in ciidamo isugu jira Polizia Militare iyo kuwa Hay’adda NISA lagu arkaayo waddooyinkaasi, isla-markaana ay hoyga Hoggaamiyaha Mucaaradka ka soo hareereeyeen waddada Isgoyska KM4 ee tagta Garoonka Aadan Cadde iyo dhinaca Laami Yaraha Zoobe.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in ciidamadu ay baaritaan amni xaqiijin ah marsiinayaan dadka la socda gaadiidka gaarka loo leeyahay ee waddooyinkaasi adeegsanaya, si gaar ah kuwooda tagaya ama ka imanaya dhanka hoyga Shariif Sheekh Axmed.

Saraakiisha hay’adaha ammaanka ayaan weli ka hadlin ciidamadan la dul geeyay guriga Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Tani ayaa ku soo aadeysa, iyadoo Shariif Sheekh Axmed uu Sabtidii ka horyimid hub ka dhigista ay Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud toddobaadkii hore ka bilowday Muqdisho.

Lama garanayo in ciidamadu ay sii joogi doonaan waddooyinka gala guriga Ex Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo in kale.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc