Home Wararka Maanta Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (SAWIRRO)

by Laacib

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, General Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Isniintan gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Taliyaha oo lagu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ayaa loo gelbiyay Xarunta Taliska Qaybta 21aad, halkaas oo la sheegay in uu kula kulmay Saraakiisha Ciidamada.

“Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hawlgalada lagu ciribtirayo Khawaarijta, xoojinta isku-duwidda ciidamada iyo sare u qaadidda waajibaadka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo adkeeyo amniga, loona xaqiijiyo guulaha laga gaarayo hawlgalada socda.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Taliska Ciidanka Xoogga Dalka.

Dhuusamareeb ayaa waxay talis u tahay Saddexda Guuto ee Qaybta 21aad ee Militariga Somaliya, waxaana sidoo kale degan Ururka 163aad, Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab.

Guutooyinka 15aad, 24aad iyo 27aad ee Qaybta 21aad oo lagu daray Ururka 163aad ee Kumaandooska Danab ayaa ka hawlgala deegaanada Galmudug, waxayna safka hore kaga jiraan sugidda amniga iyo la dagaalanka maleeshiyada Al Shabaab.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc