Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku eedeeyay inuu wiiqayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Madaxweynaha Puntland ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku eedeeyay in uu burcad badeed ku abuuray xeebaha dalka, gaar ahaan kuwa Puntland.
“Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo uga gol leh in uu guud ahaan amniga dalka gacanta ka baxo, si uu uga gaaro dano gaaban iyo masaaliix waqtigeeda soo bixi doonto, wuxuu si bareer ah ugu abuuray burcad badeed xeebaha dalka Somaliya, gaar ahaan kuwa Puntland, ood ogtihiin dhacdooyinka ka dhacay billihii la soo dhaafay.” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Isaga oo sii hadlayay ayaa yiri “Wuxuu horey duulaan hubeysan ugu qaaday Magaalada Raaskambooni ee Dowladda Jubbaland, isagoo halkaa ku dilay muwaadiniin Soomaaliyeed iyo in ciidamadii uu khalday ay isku dhiibaan ciidamada amniga ee dalka Kenya. Wuxuu sidoo kale afgembi siyaasadeed iyo qalqal amni ka sameeyay Magaalada Baydhabo, isagoo xoog ku maquuniyay, meeshana ka saaray nidaamkii maamul iyo kala dambayntii ka jirtay.”
Waxa kaloo uu yiri “Wuxuu jujuub, xarig iyo dil uu ku hayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wuxuu weerar ku qaaday madaxdii hore ee Dowladda Federaalka Somaliya, iyagoo si nabad ah ugu sugan oo degan yihiin Magaalada Muqdisho.”
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hadalkiisa ku xoojiyay “Sida aad la socotaan Madaxweynihii hore, wuxuu hagardaamo iyo in uu fashiliyo isugu dayay kacdoonkii shacabka ee Magaalada Laascaanood ka dhacay bishii December ee 2022 illaa August ee 2023, isagoo markii dambena isku dayay inuu colaad siyaasadeed iyo kala qaybin bulsho dhex dhigo dadka walaalaha ah ee guud ahaan Puntland ku nool. Hase yeeshee garashada wanaagsan ee shacabka Gobolka Sool iyo guud ahaan Puntland ayaa ka fogaaday inay dhacaan dhagarta Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.”
Madaxweyne Deni ayaa dhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu isku dayay inuu fashiliyo dagaalka ay Ciidanka Puntland kula jiraan maleeshiyada Daacish iyo inuu is hortaagay taageero ay ka heli lahaayeen saaxiibada caalamka qaarkood.
“Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa isku dayay inuu fashiliyo halganka ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland ee muddada dheer kula jiray cadowga argagixisada Daacish, isagoo is hortaag ku sameeyay taageerada iyo saad kala duwan oo aan ka heli lahayn qaar ka mid ah saaxiibada caalamka. Wuxuu kaloo carqaladayn joogta ah ku sameeyay diyaaradihii ciidanka ka gacan siinayay dagaalka iyo kuwii dhaawacyada dibadda u qaadaayay, iyada oo si joogta ah loogu diidaayay in la siiyo ruqsadaha duulimaadka hawada Somaliya.”
Deni oo Magaalada Garoowe ka furay Kalfadhigga 58aad ee Baarlamaanka Puntlland ayaa xusay “Dowladda iyo shacabka Puntland oo fahamsan dhagaraha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isha ku haya fara-gelinta joogtada ah ee uu doonayo inuu ku carqaladeeyo amniga iyo xasilloonida ka jira deegaanada Puntland. Dowladda Puntland waxay si dhow ula socotaa in Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud uu dhaqaale ku bixinayo in dhallinyaro maleeshiyaad hubeysan ah lagu abuuro deegaano ka tirsan Xaafuun, Bayla, Eyl iyo Jariiban ee Puntland. Dhallinyaradaas ayaa qaarkood loo diyaarinayaa inay gacan siiyaan, kana qayb qaataan hawlgalada burcad badeedda ee lagu abaabulayo xeebaha degmooyinkaas.”
Deni ayaa ka digay “Dowladda Puntland waxay si adag uga digeysaa wixii fara-gelin amni ah ee Madaxweynihii hore ka dhex wado meelo ka mid ah deegaanada Puntland.”
