Raysal Wasaare Keir Starmer ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu iska casilayo xilka Raysal Wasaaraha UK iyo Hoggaanka Xisbiga Shaqaalaha.
Go’aanka Raysal Wasaaraha ayaa ka dambeeyay, ka dib markii uu wajahay cadaadis siyaasadeed oo gudaha xisbigiisa ah iyo eedeymo la xiriira fashilka kaga yimid Doorashooyinkii Dowladaha Hoose.
Raysal Wasaaraha ayaa wajahayay cadaadis xoogan, tan iyo markii Andy Burnham uu ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee toddobaadkii hore laga qabtay Makerfield.
Andy Burnham ayaa loo doortay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Baarlamaanka UK, waxaana maanta loo dhaariyay Xildhibaanimadiisa.
Burnham oo xubin ka ah Xisbiga Shaqaalaha ayaa xaqiijiyay inuu u tartami doono jegada Starmer.
Raysal Wasaare Starmer ayaa sheegay in is casilaaddiisa uu u gudbiyay Boqorka UK, Boqor Charles, wuxuuna xaqiijiyay inuu xilka sii hayn doono, illaa laga helayo qofka xilka kala wareegaya.
Starmer ayaa xafiiska sii joogi doona, ka hor inta uusan dib u furmin Baarlamaanka bisha September, iyadoo inta ka horreysana ay xubnaha xisbiga iska dhex dooran doonaan ciddii isaga bedeli lahayd.
Starmer oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Guddiga Xisbiga Shaqaalaha ay samayn doonaan jadwalka tartanka ee hoggaamiyihii isaga bedeli lahaa.
