Home Wararka Maanta Maleeshiyadii Al Shabaab ee Degmada Aadan Yabaal oo loo wareejiyay Gobolka Hiiraan

Maleeshiyadii Al Shabaab ee Degmada Aadan Yabaal oo loo wareejiyay Gobolka Hiiraan

by Laacib

Wararka ka imanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Al Shabaab ay inta badan maleeshiyadeeda ka daadgureysay Degmada Aadan Yabaal ee gobolkaasi, si ay u xoojiyaan dhaqdhaqaaqyadooda Gobolka Hiiraan ee ay kaga hortaggayaan gulufka ballaaran ee Militariga Somaliya uu qorsheynayo in Ciidanka Xoogga Dalka ay dib ugu la wareegaan deegaankaasi Teedaan oo hoostaga Degmada Maxaas.

Shabaabka ayaa Axaddii la wareegay gacan ku haynta deegaanka istiraatiijiga ah ee Teedaan, ka dib dagaalo culus oo ka dhacay deegaanada u dhexeeya Degmada Maxaas iyo Teedaan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada Shabaabka ee banneeyay Degmada Aadan Yabaal ay Khamiistii iyo Jimcihii gaareen Degmada Moqokori ee Gobolka Hiiraan, isla-markaana ay uga sii gudbeen jihada Degmada Maxaas.

Ilo dadka deegaanka ah oo ku sugan Degmada Aadan Yabaal ayaa sheegay in Al Shabaab ay dagaal-yahanadeeda Jabhadaha u wareejisay dhinaca bariga Gobolka Hiiraan, isla-markaana ay degmadaasi ku sugan yihiin oo keliya tiro yar oo ka mid ah maleeshiyada Xisbada ee sida booliska oo kale u tababaran, si ay u ilaaliyaan amniga magaalada.

Shabaabka ayaa ka cararaya in ay lumiyaan gacan ku haynta deegaanka Teedaan, sababtu tahay muhiimadda juqraafiyadeed ee uu leeyahay, iyadoona deegaanku uu isku xiro Maxaas, Beledweyne iyo Matabaan.

Shabaabka ayaa ka warqaba in haddii laga qabsado Teedaan uu halis gelayo joogitaankooda Degmada Maxaas iyo xitaa in la kala jari karo gurmadka iyo saadkooda ee Degmooyinka Maxaas iyo Moqokori.

Maadaama Shabaabku aanu hadda wax cadaadis militari ka haysan dhanka Degmada Aadan Yabaal, taas ayaa u ogolaaneysa inay difaacdaan Teedaan.

Maleeshiyadan ay Al Shabaab u soo rartay Gobolka Hiiraan ayaa waxay keeneysaa in Saraakiisha Militariga ay dib-u-habayn ku sameeyaan xeeladaha dagaalka ee lagu wajahayo kooxaha argagixisada, waxayna tani dib-u-dhigi kartaa in la dedejiyo hawlgalka.

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

You may also like

Nagala soo xiriir: dhacdo@gmail.com

Copyright © 2023 Dhacdo.com All Rights Reserved.

Designed & Developed by  KaDiiL Technology Inc